Tilbage til fortællingerne
Walaalkeyga yar wuxuu seexdaa waqti dambe. Anigu waxaan soo toosaa xilli hore, maxaa yeelay waa mid aad u wanaagsan!
Min lillebror sover længe. Jeg vågner tidligt, for jeg er dygtig!
Anigu waxaan ahay kan qorraxda soo bixiyo.
Det er mig, der lukker solen ind.
“Waxaad tahay xiddigta subaxdayda,” ayuu yidhi Mama.
“Du er min morgenstjerne,” siger mor.
Anigu waan maydhaa, ma u baahni wax caawin ah.
Jeg vasker mig selv, jeg behøver ingen hjælp.
Waxaan u dul qaadan karaa biyo qabow iyo saabuun shiirayso oo buluug ah.
Jeg kan klare koldt vand og blå, ildelugtende sæbe.
Mama aya i xasuusiyo, “Ha iloobin ilkaha.” Waxaan ku jawaabaa, “Marnaba, aniga ma ihi!”
Mor minder mig om at børste tænder: “Glem ikke tænderne.” Jeg svarer: “Aldrig, ikke mig!”
Ka dib markii aan maydho, waxaan salaamaa awoowe iyo eedo, oo waxaan u rajeeyaa ayaga maalin wanaagsan.
Efter vaskningen hilser jeg på min bedstefar og tante og ønsker dem en god dag.
Dabadeedna waan labistaa, “hadda waan weynahay Mama,” ayaan dhahaa.
Så tager jeg selv tøj på: “Jeg er stor nu, mor,” siger jeg.
Waxaan xidhi karaaguluusyadeeyda iyo suunka kabahayga.
Jeg kan knappe mine knapper og binde mine sko.
Waxaan na hubiyaa in walaalkeyga yar uu yaqaano dhamaan wararka iskuulka.
Og jeg sørger for, at lillebror får alt nyt fra skolen at vide.
Fasalka dhexdiisa waxaan ku dadaalayaa sida ugu fiican.
I timerne gør jeg altid mit bedste.
Waxyaabahan wanaagsan oo dhan waxaan sameeyaa maalin kasta. Laakiin waxa aan ugu jeclahay, waa in aan ciyaaro oo aan ciyaaro!
Jeg gør alle disse gode ting hver dag. Men det, jeg bedst kan lide, er at lege og lege!
Skrevet af: Michael Oguttu
Illustreret af: Vusi Malindi
Oversat af: Abdi Muse
Læst af: Ibrahim Ahmed