Nedlagre PDF
Tilbage til fortællingerne

Go’aan Beslutning

Skrevet af Ursula Nafula

Illustreret af Vusi Malindi

Oversat af Abdi Muse

Læst af Ibrahim Ahmed

Sprog somali

Niveau Niveau 2

Narrate full story

Reading speed

Autoplay story


Tuuladayda waxay lahayd dhibaatooyin badan. Waxaan samaynay saf dheer si aan biyo ooga soo dhaansano tuubada.

Min landsby havde mange problemer. Vi stillede os i en lang række for at hente vand fra én pumpe.


Waxaan sugnay raashin ay nagu deeqeen dad kale.

Vi ventede på mad, som andre havde givet os.


Waxaan xirnay guryahanaga amin hore sababta oo ah tuugo.

Vi låste vores døre tidligt på grund af tyve.


Caruur badan ayaa dugsiga ka baxday.

Mange børn droppede ud af skolen.


Gabdhaha yaryar waxay ka shaqeeyeen sidii adeegto tuulooyinka kale.

Unge piger arbejdede som hushjælp i andre landsbyer.


Wiilasha yaryar waxay ku wareegeysteen agagaarka tuulada halka kuwa kale na ay ka shaqeeyeen beeraha dadka.

Unge drenge drev rundt i landsbyen, mens andre arbejdede på folks gårde.


Markii dabayshu kacdo, waraaqaha qashinka ayaa ka lalmado geedaha iyo dayrarka.

Når det blæste, blev papirstykker hængende i træer og på hegn.


Dadka waxaa jarjaray dhalooyin jajaban kuwaa oo loo tuuray si taxadar la’aan ah.

Folk skar sig på glasskår, som folk havde smidt fra sig.


Kadib hal maalin, tuubada ayaa biyo la’aan laga dhigay weelashanadana faaruq bey ahaayeen.

Så en dag tørrede brønden ud, og vores beholdere var tomme.


Aabahay ayaa guri guri ugu tagay asagoo waydiinayo dadka in ay ka qayb galaan shirka tuulada.

Min far gik fra hus til hus for at bede folk om at deltage i et landsbymøde.


Dadka waxay iskugu soo urureen geed wayna hoostiisa wayna dhagaysteen.

Folk samledes under et stort træ og lyttede.


Aabahay ayaa istaagay waxuuna yidhi, “Waxaan u baahanahay in aan wada shaqayno si aan u xallino dhibaatooyinkeena.”

Min far rejste sig og sagde: “Vi må arbejde sammen for at løse vores problemer.”


Juma oo sideed jir ah, oo kufadhiyo jirridda geedka ayaa ku qeyliyay, “Waan kaa caawin karaa nadiifinta.”

Otte år gamle Juma, der sad på en gren, råbte: “Jeg kan hjælpe med at rydde op.”


Haweeney ayaa tiri, “Dumarka way igu soo biiri karaan si ay u beeraan cuntada.”

En kvinde sagde: “Kvinderne kan hjælpe mig med at dyrke mad.”


Ninkale ayaa istaagay oo na yidhi, “Raggu waxa ay qodi doonaan ceel.”

En anden mand rejse sig op og sagde: “Mændene kan grave en brønd.”


Dhammaanteen waxaan ku dhawaaqnay, “Waan ku qasbanahay in aan badelno nolosheena.” Maalintaas laga bilaabo waxaan ka wada shaqeynay inaan xallino dhibaatooyinkeena.

Vi råbte alle med én stemme: “Vi må ændre vores liv.” Fra og med den dag arbejdede vi sammen for at løse vores problemer.


Skrevet af: Ursula Nafula
Illustreret af: Vusi Malindi
Oversat af: Abdi Muse
Læst af: Ibrahim Ahmed
Sprog: somali
Niveau: Niveau 2
Kilde: Decision fra African Storybook
Creative Commons licens
Dette værk er licenseret under en Creative Commons Navngivelse 4.0 International licens.
Valgmuligheder
Tilbage til fortællingerne Nedlagre PDF