下载 PDF
返回故事列表

Heestii Sakima 萨可满的歌声

作者 Ursula Nafula

插图 Peris Wachuka

译文 Abdi Muse

配音 Ibrahim Ahmed

语言 索马里语

级别 3级

将整故事念出来

播放速度

自动念故事


Sakima wuxuu la noolaa waalidkiisa iyo walaashiisa afar jirta ah. Waxay ku noolaayeen dhulka ninka hodanka ah. Mundul kooda cawska ah waxuu ku yaalay meesha ugu dambeysa geedaha safan.

萨可满和他的父母,还有四岁的妹妹住在一起,他们住在一个富人的土地上,他们的茅草屋在一排大树的后面。


Marku Sakima ahaa saddex jir, ayuu xanuunsaday oo aragiisii waayay. Sakima wuxuu ahaa wiil yar oo heybad leh.

萨可满三岁的时候,生了一场大病,从此,萨可满就看不见了,其实萨可满是一个非常有天赋的孩子。


Sakima waxuu sameeyay waxyaabo badan oo wiilasha da’doodu tahay lix sano jir aysan sameynin. Tusaale ahaan, wuxuu la fadhiisan karay dadka waa yeelka ah ee tuulada waxuuna kala xaajoon jiray arrimaha muhiimka ah.

萨可满今年六岁,他会做很多同龄的男孩不会做的事情,比如,萨可满能和村里的老人坐在一起讨论重要的事情。


Waalidiinta Sakima waxay ka shaqeyn jireen guriga ninka hodanka ah. Waxay ka tagi jireen guriga aroortii, waxayna soo laaban jireen fiidkii. Sakima waxaa looga tagi jiray walaashiisa yar.

萨可满的父母在富人的家里工作。他们每天早出晚归,萨可满就和妹妹呆在家里。


Sakima wuxuu jeclaa in uu ku heeso heesaha. Maalin maalmaha ka mid ah, waxay hooyadiis weydiisay, “Halkee baad kaso barataa heesahan, Sakima?”

萨可满很喜欢唱歌。有一天,他的妈妈问他:“萨可满,你从哪儿学了这些歌?”


Sakima wuxuu ku jawaabay, “Way iska imaadaan, hooyo. Waxaan ka dhex maqlaa madaxayga dabadeedna waan ku heesaa.”

萨可满回答说:“它们就这样出现在我的脑海里,我想到了这些歌,就把它们唱了出来。”


Sakima wuxuu jeclaa in uu u heeso walaashiisa yar, gaar ahaan, haddii ay dareento gaajo. Walaashiis waa ay dhageysan jirtay isaga oo heesayo heestiisa ugu macaan. Waxaa soo jiidan codka cod macaan leh.

萨可满很喜欢给他的妹妹唱歌,特别是她肚子饿的时候。妹妹听着萨可满唱他最喜欢的歌,跟着甜美的歌声摆动起来。


“Ma heesi kartaa mar kale, Sakima,” walaashiis ayaa ka baryi jirtay. Sakima waa uu ka aqbalaa oo ku celceliyaa heesta marar badan.

萨可满的妹妹经常求他:“再唱一次吧!”萨可满唱了一遍又一遍。


Hal fiid markii ay waalidkiis guriga ku soo laabteen, ayay aad u aamusnaayeen. Sakima wuxuu ogaa in ay wax qaldan jiraan.

有一天晚上,萨可满的父母回到家以后一句话也不说。萨可满知道一定发生了什么不好的事情。


“Maxaa qaldan hooyo, aabe? “Sakima ayaa waydiiyay. Sakima wuxuu ogaaday in wiilka ninkii hodanka ahaa uu maqan yahay, ninku wuxuu ahaa mid aad u murugooday oo cidloobay.

萨可满问爸爸妈妈发生了什么事,他这才知道,原来富人的儿子失踪了,富人孤单一人,很伤心。


“Waan u heesi karaa isaga. Waxaa laga yaabaa in uu markale farxo,” Sakima ayaa waalikiisa u sheegay. Laakiin waalidiintiisii waa ay eryeen. “Waa nin aad taajir u ah, waxaad tahay wiil indho la. Ma waxaad u maleyneysaa in ay heestaada caawin doonto?”

萨可满对父母说:“我可以给他唱歌,这样他就会高兴起来了。”但是萨可满的父母不喜欢这个主意:“他很有钱,而你只是一个看不见的小男孩。你以为你的歌声会帮到他吗?”


Si kastaba ha ahaatee, Sakima ma niyad jabin. Walaashiisii yarayd ayaa ku taageertay isaga. Waxay tiri, “Sakima heestisa way idajisaa markaan gaajoonayo. Wayna dajin doontaa ninka taajirka ah.”

但是萨可满没有放弃,他的妹妹也鼓励他。她说:“萨可满的歌声能赶走饥饿,他肯定也能安慰富人。”


Maalintii xigtay, Sakima wuxuu walaashiisii yarayd weydiistay in ay u wado ninkii taajirka ahaa gurigiisa.

第二天,萨可满让他的妹妹带他去富人的房子。


Waxa uu hoos istaagay daaqad weyn wuxuuna bilaabay in uu ku heeso heestiisi uu ugu jeclaa. Si tartiib ah, madaxa ninki hodanka ah ayaa bilaabay in uu kasoo muuqdo daaqadi weynayd.

他站在一扇大窗户的下面,开始唱他最喜欢的歌。慢慢的,富人的脑袋从窗户里伸出来。


Shaqaalihii way joojiyeen wixii ay sameynayeen. Waxay dhagaysteen heesta Sakima ee quruxda badan. Laakiin hal nin ayaa yiri, “Qofna ma awoodin in uu dajiyo booska. Wiilkan indhoolaha aha ma waxuu u maleynayaa inuu dajin doono?”

工人们停下了工作。他们仔细地听着萨可满唱歌。有一个人说:“从来没有人能安慰老板,这个看不见的男孩觉得他可以做到吗?”


Sakima wuu dhameysatay heestiisi uu heesayay waxa uu na u jeestay in uu tago. Laakiin ninkii taajirka ahaa ayaa banaanka si degdeg ah ugos baxay oo wuxuu ku yidhi, Fadlan markale hees.

萨可满唱完了,准备离开。富人跑出来,说:“请再唱一遍吧!”


Waqtigaa xaadirka ahaa, laba nin ayaa yimid iyaga oo qof ku wado naxash. Waxay soo heleen ninkii taajirka ahaa wiilkiisa oo la garaacay loo gana tagay wadada dhinaceeda.

就在那时,两个人抬着担架走来了,担架上是富人的儿子!他们发现这个人被打得面目全非,躺在路边。


Ninkii taajirka ahaa waxuu aad ogu farxay in uu mar kale arko wiilkiisa. Waxuu abaalmariyey Sakima qalbiga uu dajiyay awgeed. Wuxuu isbitaalka u qaaday wiilkiisa iyo Sakima si Sakima na uu dib ugu helo aragiisa.

富人很高兴儿子找回来了。为了感谢萨可满安慰他,他把萨可满和他的儿子一起送到了医院,萨可满很快就会恢复视力了。


作者: Ursula Nafula
插图: Peris Wachuka
译文: Abdi Muse
配音: Ibrahim Ahmed
语言: 索马里语
级别: 3级
出处: 原文来自非洲故事书Sakima's song
共享创意授权条款
本着作系采用共享创意 署名 4.0 未本地化版本授权条款授权。
选项
返回故事列表 下载 PDF