下载 PDF
返回故事列表

Nozibele iyo saddexdii timo 诺孜贝儿和三根头发

作者 Tessa Welch

插图 Wiehan de Jager

译文 Abdi Muse

配音 Ibrahim Ahmed

语言 索马里语

级别 3级

将整故事念出来

播放速度

自动念故事


Wakhti dheer ka hor, saddex gabdhood ayaa u baxay inay soo guurtan qoryo.

很久很久以前,有三个女孩,她们一起外出找柴火。


Waxay ahayd maalin kulul sidaa darteed waxay aaden webiga si ay ugu soo dabaashaan. Way cayaaren waxayna firdhiyeen kuna dabaasheen biyaha.

天很热,她们跳下河游了个泳。她们一边游泳,一边嬉戏,溅出很多水花。


Si kadis ah, waxay xaqiiqsadeen in ay yihiin kuwa daahay. Waxay dib ugu soo dagdageen tuulada.

突然,她们意识到天已经很晚了,匆匆忙忙赶回村子。


Markii ay ku dhawaadeen guriga, Nozibele waxay saartay gaceenteeda qoorta. Waxay soo iloowday silsiladeedii! “Fadlan ila laabta!” ayay kabariday saaxiibaddeeeda. Laakiin saaxiibaddeeda waxa ay dhaheen waa xilli aad u dambe.

当她们快到家的时候,诺孜贝儿摸了摸她的脖子:她把项链落在了外面。于是她请求她的朋友们:“和我一起回去找找吧!”但她的朋友们都说太晚了。


Sidaas darteed Nozibele ayaa kaligeed dib ku laabatay webiga. Way heshay silsiladeedi waxayna usoo dhaqsatay guriga. Laakiin waxay ku luntay mugdiga.

诺孜贝儿一个人回到河边,一找到了项链,就赶忙回家,但天太黑了,她迷路了。


Meel fog waxay ka aragtay iftiin ka imaanayo aqal. Waxay u dhakhsatay dhinaciisa waxayna garaacday albaabka.

她远远地看见有个小木屋,木屋里有一丝光亮。她跑到木屋门口,敲了敲门。


La yaabkeda, ey aya ka furay albaabka oo ku yidhi, “Maxaad doonaysaa?” “Waan lumay waxaana u baahanahay meel aan seexdo,” ayay Nozibele tidhi. “Soogal, ama waan ku qaniini doonaa!” ayuu yidhi eygi. Sidaas darteed Nozibele way gashay gudaha.

诺孜贝儿吃了一惊,开门的是一只会说话的狗:“你来干嘛?”诺孜贝儿说:“我迷路了,我要找个地方睡觉。”狗回答说:“进来吧,不然我就咬你!”然后诺孜贝儿就进了屋。


Kadib eeygii wuxuu ku yidhi, “Cunto ii kari!” “Laakiin waligay marna wax uma karrinin eey,” ayay ku jawaabtay. “Kari, ama waan ku qaniini doonaa!” ayuu egya yidhi. Sidaas darteed Nozibele waxeey xoogaa cunto ah u karisay eeygii.

狗说:“给我做饭!”诺孜贝儿回答说:“但我从来没有给狗做过饭。”狗说:“快做饭,不然我就咬你。”诺孜贝儿没办法,只能给狗做了一些吃的。


Kadib eeygii wuxuu yidhi, “Sariirta ii hagaaji!” Nozibele ayaa ku jawaabtay, “Waligay marna sariir uma hagaajinin eey.” “Sariirta hagaaji, ama waan ku qaniini doonaa!” ayuu eygi yidhi. Sidaas darteed Nozibele way hagaajisay sariirti.

狗说:“给我铺床!”诺孜贝儿回答说:“但我从来没有给狗铺过床。”狗说:“快铺床,不然我就咬你。”诺孜贝儿没办法,只能给狗铺了床。


Maalin kasta waxay ku qasbanayd in ay wax kariso, nadiifiso oo u dhaqdo eeyga. Dabadeedna, maalin aya eeygii yidhi, “Nozibele, maanta waa in aan booqdaa saaxiibo, nadiifi guriga, cuntada kari, oo dhaq alaabta kahor intaanan soo laaban.”

诺孜贝儿每天都要给狗做饭,打扫屋子,洗衣服。有一天,狗说:“诺孜贝儿,我今天要出门见朋友。在我回来之前,你要打扫好屋子,做好饭,洗好衣服。”


Dhakhsaba sidaas tuu eeyga u tagay, Nozibele ayaa madaxa ka soosiibtay saddex timood. Waxay hal tin dhigtay sariirta hoosteeda, mid kalane albaabka gadaashiisa, midna gudaha xerada. Kadibna waxay u carartay guriga sida ugu dhakhsaha badan oo ay awooday.

狗一走,诺孜贝儿就从头上拔了三根头发下来。她把一根头发放在床下,一根放在门背后,还有一根放在篱笆上。然后诺孜贝儿用尽全力跑回了家。


Markii eygii dib u soo laabtay, wuxuu raadiyay Nozibele. “Nozibele, xagee baad joogtaa?” ayuu ku qayliyey. “Waa ikan, sariirta hoosteeda,” ayay tiri tintii ugu horraysay. “Waa ikan, albaabka ka gadaashiisa,” ayay tiri tintii labaad. “Waa ikan, gudaha xerada,” ayay tiri tintii saddexaad.

当狗回到家的时候,它开始找诺孜贝儿:“诺孜贝儿,你在哪里?”第一根头发说:“我在这儿,在床底下。”第二根头发说:“我在这儿,在门背后。”第三根头发说:“我在这儿,在篱笆上。”


Dabadeed eeygii waxuu ogaaday in Nozibele ay sirtay. Sidaas darteed eeygii wuu orday oo ku orday wadadi illaa iyo tuulada. Laakiin walaalaha Nozibele ayaa halkaas ku sugayay iyagoo ulo waaweyn. Eeygii wuu jeestay oo wuu cararay, waligiisna dib looma arag.

狗明白了诺孜贝儿耍的花招。它一路跑到诺孜贝儿的村庄,但是诺孜贝儿的兄弟们正拿着棍子等着它呢!狗见状不妙,赶紧跑开了,从此再也没人见过它。


作者: Tessa Welch
插图: Wiehan de Jager
译文: Abdi Muse
配音: Ibrahim Ahmed
语言: 索马里语
级别: 3级
出处: 原文来自非洲故事书Nozibele and the three hairs
共享创意授权条款
本着作系采用共享创意 署名 3.0 未本地化版本授权条款授权。
选项
返回故事列表 下载 PDF