下载 PDF
返回故事列表

Digaag iyo hangaraarac 鸡和千足虫

作者 Winny Asara

插图 Magriet Brink

译文 Abdi Muse

配音 Ibrahim Ahmed

语言 索马里语

级别 3级

将整故事念出来

播放速度

自动念故事


Digaag iyo Dixiri waxay ahaayeen saaxiibo. Laakiin had iyo jeer waxay ahaayeen kuwo tartamo. Hal maalin waxay go’aansadeen inay ciyaaraan kubadda cagta si ay u arkaan midka ah ciyaaryahanka ugu fiican.

鸡和千足虫是好朋友,但是它们又互相竞争。有一天,它们决定进行一场足球比赛,看看谁是最棒的球员。


Waxay aadeen garoonka kubada cagta waxayna bilaabeen ciyaartooda. Digaagadu waxay ahayd mid dhakhso badan, laakiin hangaraaraca ayaa kasii dhakhso badnaa. Digaaggadu waxay u darbeysay meel fog laakiin hangaraarici ayaa u darbeeyay meel kasii fog. Digaaggadu waxay bilawday inay dareento xanaaq.

它们去了球场,开始比赛。鸡跑得飞快,但是千足虫跑得更快。鸡把球踢得很远,但是千足虫踢得更远。鸡开始有点闷闷不乐。


Waxay go’aansadeen in ay ciyaaraan gool ku laad. Waxaa goolhaye ku hormaray hangaraarici. Digaagtii waxay dhalisay hal gool oo kaliya. Kadibna waxay ahayd digaaggada markeedi in ay difaacdo goolka.

最后,它们决定来一场点球大战。第一轮中,千足虫当守门员,鸡只拿到了一分。然后,在第二轮中,鸡做守门员。


Hangaraarici wuu darbeeyay kubadii waa uu na dhaliyay. Hangaraarici ayaa soo ceyriyay kubada wuuna dhaliyay. Hangaraaraci ayaa madaxa ku soo tuuray kubada wuuna dhaliyay. Hangaraarici waxa uu dhaliyay shan gool.

千足虫猛地一踢,球进了。千足虫运球飞快,又进了一球。千足虫跳起来,打了个头球,又得了一分。千足虫一共得了五分。


Digaaggadu waxay ka cadhootay in ay guuldareysatay. Waxay ahayd kuuldareyste aad u xun. Hangaraarac waxuu bilaabay in uu qoslo sababtoo ah saaxiibkiisa ayaa ahaa mid sidaas u buuqa.

鸡输了,它很生气。千足虫哈哈大笑,因为它的朋友输了球,就无理取闹。


Digaaggadii aad ayay u xanaaqday oo waxay aad ukala qaaday afkeedii waxayna liqday hangaraaricii.

鸡生气极了,它张开嘴,一口把千足虫吞了下去。


Iyadoo digaaggadi u soo socotay guriga, waxay la kulantay hangaraarac hooyadii. Hangaraarac hooyadii baa waydiisay, “Ma aragtay ilmahaygi?” Digaagada waxbo maysan odhan. Hooyadii Hangaraaraca ayaa walwashay.

鸡回家的路上,遇到了千足虫妈妈。千足虫妈妈问它:“你看见我的孩子了吗?”鸡什么都没说,千足虫妈妈很担心。


Kadibna Hooyadii Hangaraaraca waxay maqashay cod aad u yar. “Hooyo i caawi!” ayuu ku dhawaaqay codka. Hooyadii Hangaraarac waxay fiirisay agagaarka oou dhageysatay si taxaddar leh. Codka ayaa ka yimid digaaggada dhexdeeda.

千足虫妈妈突然听到了一阵微弱的声音:“快帮我,妈妈!”千足虫妈妈看了看周围,仔细地听着,声音是从鸡身体里传出来的。


Hooyadii Hangaraaraca ayaa ku qaylisay, “Isticmaal awooddaada khaaska ah cunugeyga!” Hangaraaracyaasha waxay samayn karaan shiir xun iyo dhadhan daran. Digaaggadii waxay bilawday in ay dareento xanuun.

千足虫妈妈大喊道:“快用你神奇的能力!”千足虫会产生一种很难闻的味道,会让鸡觉得很恶心。


Digaaggadu waa aay daacsatay. Kadibna way liqday oo candhuuf tuftay. Kadibna way hindhistay oo qufacday. Oo qufacday. Hangaraaricii waxuu ahaa karaahiyo!

鸡打了一个嗝,咕噜咕噜要吐了,又是打喷嚏又是咳嗽。千足虫太恶心了!


Digaaggadii waa ay qufacday ilaa ay qufacday Hangraaricii ku jiray caloosheeda. Hooyadii hangaraaraca iyo ilmaheedi waxay ku guurguurteen geed korkiisa si ay iskugu qariyaan.

鸡不停地咳嗽,直到把千足虫从胃里咳了出来。千足虫妈妈和孩子赶紧爬上树,藏了起来。


Laga soo bilaabo wakhtigaas, digaagga iyo hangaraacyaasha waxay is ku ahaayeen cadow.

从此以后,鸡和千足虫就变成了敌人。


作者: Winny Asara
插图: Magriet Brink
译文: Abdi Muse
配音: Ibrahim Ahmed
语言: 索马里语
级别: 3级
出处: 原文来自非洲故事书Chicken and Millipede
共享创意授权条款
本着作系采用共享创意 署名 3.0 未本地化版本授权条款授权。
选项
返回故事列表 下载 PDF