下载 PDF
返回故事列表

Mooskii ayeeyo 奶奶的香蕉

作者 Ursula Nafula

插图 Catherine Groenewald

译文 Abdi Muse

配音 Ibrahim Ahmed

语言 索马里语

级别 4级

将整故事念出来

播放速度

自动念故事


Beerta ayeeyo waa mid cajiib ah, oo uu ka buuxo hadhuudh, masago, iyo xajmiga. Laakiin midka ugu wanaagsan dhamaan waa mooska. Inkasta oo ayeeyo ay leedahay ilmo faro badan, waxaan si qarsoodi ah u ogaaday in aan ahaa kan ay ugu jeceshahay. Waxay igu martiqaaday marar badan gurigeeda. Waxay kaloo ii sheegtay qarsoodi yar. Laakiin waxaa jiray hal qarsoodi oo aayna ila wadaagin: halka ay ku huuriso mooska.

奶奶有一座美丽的大花园,里面种满了高粱,杂谷和木薯,但里面最棒的是香蕉。奶奶虽然有很多孙子孙女,但我心里知道她最喜欢我。她常常邀请我去她家,告诉我一些小秘密。但是有一个秘密,她从来没有告诉我,那就是她催熟香蕉的办法。


Maalin maalmaha ka mid ah waxaan arkay dambiil weyn oo caws kasamaaysan oo la dhigay qorraxda banaanka guriga ayeeyo. Markii aan weydiiyay waxa ay ahayd, jawaabta kaliya ee aan helay waxay ahayd, “Waa danbiishaydii mucjisada.” Danbiisha waxaa ku xigay, caleemo badan oo moos kuwaas oo ayeeyo isku badbadalaysay waqti ka waqti. Waan xiiseynayey. “Waa maxay caleemaha, ayeeyo?” ayaan weydiiyay. Jawaabta kaliya ee aan helay waxay ahayd, “Waxay yihiin caleemihii mucjisadayda.”

有一天,我看到奶奶在门外放了一个巨大的麦秆编成的篮子。我问奶奶这是做什么的,奶奶却只说:“这是我的神秘篮子。”篮子旁边放了几片香蕉叶子,奶奶把叶子来回翻动。我很好奇,问奶奶:“这些叶子是做什么的?”奶奶却只说:“这是我的神秘叶子。”


Waxaay ahayd mid aad u xiiso leh daawashada ayeeyo, mooska, caleemaha mooska iyo dambiisha cawska ka samaysan. Laakiin ayeeyo waxay ii dirtay hooyaday si aan shaqo yar ugu qabto. “Hooyo, fadlan, aan daawado saad u diyaarinayso …” “Ha noqonin mid madax adag, ilmo, samee sidii laguu sheegay,” ayay ku adkaysatay. Orod baan ooga tagay.

我好奇地看着奶奶,香蕉,香蕉叶子还有那个巨大的麦秆编成的篮子。但奶奶却把我打发到妈妈那儿跑腿。我求奶奶:“让我留下来看一看吧!”奶奶却坚持说:“别固执了,按我说的去做。”我只好跑开了。


Markii aan ku soo laabtay, ayeeyo waxay fadhiday banaanka, laakiin dambiil ama moos toona ma oolin. “Ayeeyo, aaway dambiishii, aaway mooskii oo dhan, iyo aaway …” Laakiin jawaabta kaliya ee aan helay ayaa ahayd, “Waxay ku jiraan goobtaydii mucjisada.” Waxay ahayd niyadjab!

当我回来的时候,奶奶正坐在外面休息,但是篮子和香蕉都不见了!我问奶奶:“篮子去哪儿了?香蕉去哪儿了?还有那些……”奶奶却说:“它们都在一个神秘的地方。”我太沮丧了!


Labo maalmood ka dib, ayeeyo ayaa ii dirtay si aan oogu soo qaado bakooradeedii qolkeeda jiifka. Isla markii aan furay albaabka, waxaa i soo dhaweeyay carafta xooggan ee mooska. Qolka gudahiisa waxaa ku jiray dambiishii weynayd ee mucjisada. Waxaa si fiican u qariyey buste duug ah. Kor ayaan uga qaaday waana uriyay caraftii wanaagsaneyd.

过了两天,奶奶让我从她的卧室拿拐杖给她。我一打开门,就闻到了熟香蕉的味道。原来奶奶的神秘篮子就放在卧室里!它上面盖了一条旧毯子,我掀起毯子,使劲地闻着那香味。


Codkii ayeeyo ayaa i cabsigaliyay markii ay ii dhawaaqday, “Maxaad samaynaysaa? Soo dhakhso iina keen usha.” Waxaan ula soo orday iyada bakooradii. “Maxaad urinaysaa?” Ayeeyo ayaa ii waydiisay. Su’aasheeda waxay iga dhigtay inaan ogaado inaan wali carfisanaayo goobteedii mucjisada.

奶奶喊我的时候,我吓了一跳:“你在做什么?快把我的拐杖拿来。”我赶紧把拐杖拿出去给奶奶。奶奶看着我,问:“你在笑什么?”我这才意识到,我还在因为发现了这个神奇的秘密窃笑着。


Maalintii xigtay markii ayeeyo ay soo booqatay hooyo, waxaan u orday gurigeeda si aan u eego mooska mar kale. Waxaa jiray kuwo farabadan oo aad u bislaaday. Waxaan soo qaatay hal xabo waxaana ku qariyay dharkayga. Kadib markii aan dib u daday, waxaan guriga gadaashiisa, si degdeg ahne waan u cunay. Waxay ahayd mooskii ugu macaanaa ee aan abid dhadhamiyey.

第二天,奶奶来看我妈妈,我又跑到奶奶家去偷看那些熟香蕉。有一把香蕉已经非常熟了。我采了一根香蕉,把它藏在我的裙子里。我小心地盖好篮子,跑到房子后面,偷偷地把香蕉吃了:这是我吃过的最美味的香蕉!


Maalintii xigtey, markii ay ayeeyo beerta qudaar kasoo guraysay, waxaan u dhuuntay oo aan eegay mooska. Ku dhowaad dhammaantood way bislaadeen. Anigu ma awoodi karin in aan qaado afar xidhmood/gacan.Markaan albaabka xagiisa usoo tagtaagsan hayay, waxaan maqlay ayeeyo qufacayso. Waxaa ii suurto gashay in aan ku qariyo mooska dharkayga hoostiisa waana garab maray.

第二天,我趁奶奶在花园里摘蔬菜的时候,偷偷跑进房间,去看那些香蕉,香蕉差不多全都熟了。我禁不住诱惑,拿了四根香蕉。我踮起脚离开房间,听到奶奶在咳嗽。我把香蕉藏在裙子下面,若无其事地走开了。


Maalintii xigtay waxaay ahaayd maalintii suuqa. Ayeeyo ayaa hore u toostay. Marwalba waxay qaadi jirtay moos bislaaday iyo xajmi caanaha si ay ugu iibiso suuqa. Anigu ma aanan degdegin inaan booqdo maalintaas. Laakin ma aanan ka ahaan karin muddo dheer.

第二天是奶奶赶集的日子。奶奶很早就醒来了,她把成熟的香蕉和木薯运到集市上去卖。我那天没有急着去看她,但我知道,我不可能永远躲着奶奶。


Xilli danbe fiidkaas, waxaa ii yeedhey hooyaday iyo aabahay, iyo ayeeyo. Waan ogaa sababta. Habeenkaas saan sariirta udul jiifay saan u hurdo, waxaan ogaa inaan marnaba mar dambe wax xadaynin, ma ahan ayeeyo, waalidiintayda, iyo hubaashii ma aha qof kale.

那天傍晚,我被爸爸、妈妈和奶奶叫过去。我知道他们为什么找我。那天晚上,当我上床睡觉的时候,我知道我再也不会偷东西了,不偷奶奶的,不偷爸妈的,不从任何人那里偷东西。


作者: Ursula Nafula
插图: Catherine Groenewald
译文: Abdi Muse
配音: Ibrahim Ahmed
语言: 索马里语
级别: 4级
出处: 原文来自非洲故事书Grandma's bananas
共享创意授权条款
本着作系采用共享创意 署名 3.0 未本地化版本授权条款授权。
选项
返回故事列表 下载 PDF