下载 PDF
返回故事列表

Fasaxyadii lala joogay ayeeyo 和奶奶一起过暑假

作者 Violet Otieno

插图 Catherine Groenewald

译文 Abdi Muse

配音 Ibrahim Ahmed

语言 索马里语

级别 4级

将整故事念出来

播放速度

自动念故事


Odongo iyo Apiyo waxay kula noolaayeen magaalada aabahood. Waxay sugayeen fasaxyada. Ma aha sababti la iskuulka la xidhay, laakiin waxay u doonayeen in ay soo booqdaan ayeeyadood. Waxay ku nooleed tuulo kalluumeysi oo u dhaw laag ballaaran.

欧东格、阿皮尤和他们的爸爸一起生活在城市里。他们非常期待过暑假,因为那个时候他们不用去学校,而且他们还可以去看奶奶。他们的奶奶住在一个渔村里,靠近一片很大的湖泊。


Odongo iyo Apiyo way faraxsanayeen sababtoo ah waxa ay ahayd wakhtigii ay soo booqan lahayeen ayeeyadood. Habeen ka hor, ayay xidhxidheen waxayna u diyaar garoobeen safarka dheer ee tuuladeeda. Way seexan kari waayeen, waxayne ka shekeysten habeenkii oo dhan fasaxa.

欧东格和阿皮尤又要去看奶奶了,他们非常高兴。前一天晚上,他们整理好了自己的行装,准备踏上前往渔村的旅程。他们晚上睡不着,整晚都在讨论这个暑假。


Aroortii hore ee subixii xigay, waxay ka tageen tuulada wxayne raaceen baabuurki aabbahood. Waxay sii mareen buuro, xayawaanka duurjoogta ah iyo beeraha caleen shaaha. Waxay tiriyeen baabuurta iyagoo ku heesayo heeso.

第二天凌晨,他们坐着爸爸的车前往那个渔村。他们开过了山丘,路上看到了很多野生动物,经过了几个茶园。他们唱着歌数着路上的车辆。


Muddo ka dib, carruurtii way daaleen hudo ayayna la dhaceen.

过了一会儿,孩子们累了,就在车里睡着了。


Aabahood ayaa toosiyey Odongo iyo Apiyo markii ay yimaadeen tuulada. Waxay heleen Nyar-Kanyada, ayeeyadood, iyadoo ku fadhida darin geed hoostiisa. Nyar-Kanyada Luo ahaan, waxaa loola jeedaa “gabadhii reer Kanyada”. Waxay ahayd haweeneey xoog leh oo qurux badan.

当他们到达那个渔村的时候,爸爸把欧东格和阿皮尤叫醒了。他们发现他们的奶奶——尼亚·坎亚达——在树荫里铺了一块垫子,正坐在上面休息。在当地的语言里,这个名字的意思是“坎亚达人民的女儿”。她是一个坚强美丽的女性。


Nyar-Kanyada waxay ku soo dhaweeysay guriga waxayna ku niikiyen qolka iyagoo ku wareegayo oo u heysayo si farxad leh. Carruurta ay ayeeyada u tahay waxa ay ahaayeen kuwo ku faraxsan in ay iyada siiyaan hadiyayd ay kasoo gadeen caasimada. “Marka hore fur hadiyaddayda,” ayuu yidhi Odongo. “Maya, hadiyaddayda marka hore!” ayeey tiri Apiyo.

尼亚·坎亚达欢迎他们来到自己的家里,和他们一起快乐地唱歌跳舞。他们的孙子也很高兴地把他们在城里买的礼物送给她。欧东格和阿皮尤吵着要奶奶先打开自己的礼物。


Ka dib markii ay furtay hadiyadaha, Nyar-Kanyada ayaa u ducaysay caruurti ayeeyada u aheyd si hab dhaqameed ah.

尼亚·坎亚达打开了礼物后,用传统的习俗祝福了她的孙儿们。


Dabadeed Odongo iyo Apiyo ayaa banaanka u baxay. Waxay caydh caydhsadeen balan baalis iyo shimbiro.

欧东格和阿皮尤跑出去玩儿了,他们追着蝴蝶和鸟儿,在它们后面跑。


Waxa ay fuuleen geedaha waxayna firfirdhiyeen biyaha laagta.

他们还爬树,跳进湖里,溅起了很多水花。


Marku uu mugdi galay waxay kusoo laabteen guriga si ay u casheeyaan. Ka hor inta aysan dhamaysanin cuntada, hurdey ayay la dhaceen!

天黑了,他们回到奶奶的家里吃晚饭,但他们太累了,还没吃完,就睡着了。


Maalintii xigtay, caruurta aabahood ayaa dib ugu laabtay magaalada iyagana uga tagay Nyar-Kanyada.

第二天,爸爸开车回城了,把孩子们留给奶奶。


Odongo iyo Apiyo waxay ka caawiyeen ayeeydood shaqada guriga. Waxay u soo dhaamiyeen biyo waxayne u soo gureen xaabo. Waxay soo uruureen ukumo iyo caws ooy kasoo aruuriyeen digaaga iyo beerta.

欧东格和阿皮尤帮助奶奶做家务。他们帮奶奶拎水,运柴。他们还帮奶奶从鸡窝里拿鸡蛋,在花园里摘蔬菜。


Nyar-Kanyada waxay bartay caruurtay ayeeyada u tahay sida loo kariyo soor jilicsan si ay ugu cunaan fuudka. Waxay tustay sida loo sameeyo bariiska qumbaha si ay ugu cunaan kalluunka duban.

尼亚·坎亚达教他们煮乌咖喱,还教他们怎么做和烤鱼一起吃的椰子饭。


Hal Subax, Odongo waxuu kaxeeyay sicihii ayeeydiis si ay u soo daaqaan. Waxay ku ordeen beertii deriska. Beeraalihii wuxuu u xanaaqay Odongo. Waxa uu ku hanjabay in uu ilaaliyo lo’da cunaayo dalagiisa. Maalintii ka dib, wiilku wuxuu ku dadaalay in lo’du aanay mar kale dhibaato ka soo gaarin.

一天早上,欧东格帮奶奶去牧场上放牛,但是牛跑到了邻居的农场上,邻居很生气,威胁欧东格说,要没收了这些牛作为踩坏粮食的赔偿。从那天以后,欧东格很小心,不想再让这些牛惹麻烦了。


Maalin kale, carruurtu waxay suuqa u raaceen Nyar-Kanyada. Waxay laheyd sandaqad ay ku iibiso khudaarta, sonkorta iyo saabuunta. Apiyo waxay jeclayd in ay u sheegto macaamiisha qiimaha alaabta. Odongo wuxuu u soo hagaajiyaa alaabta ay macaamiisha iibsadeen.

有一天,孩子们和尼亚·坎亚达一起去集市上。奶奶有一个卖蔬菜、糖和肥皂的摊位。阿皮尤给顾客们报价钱,欧东格帮着顾客打包。


Dhammaadkii maalinta waxay wada cabbeen shaah. Waxay ka caawiyeen ayeeyadood tirinta lacagta ay heshay.

这天的工作结束后,他们坐在一起喝茶,帮奶奶数了数这天赚到的钱。


Laakiin si dhakhso ah ba fasaxyada waa ay dhammaadeen caruurtana waxa ay ahayd iney ku laabtaan magaalada. Nyar-Kanyada waxay siiyey Odongo koofiyad Apiyo na funaanad dhaxameed. Waxay u diyaarisay cunto safarkooda.

很快,假期就结束了,孩子们要回城了。尼亚·坎亚达送给欧东格一顶帽子,送给阿皮尤一件毛衣。她帮孩子们装了点食物在路上吃。


Markii aabbahood u yimid in uu wado, ma aysan doonayn in ay baxaan. Carruurta waxa ay baryeen Nyar-Kanyada in ay u raacdo magaalada. Way dhoola cadaysay oo waxay tiri: “Aad ayaan u weynahay in aan magaalada aado. Waxaan sugayaa in aad mar kale iigu imaataan tuuladayda.”

当爸爸来接他们的时候,他们一点儿都不想走。孩子们求尼亚·坎亚达和他们一起去城里。她笑着说:“我太老了,不适合住在大城市里。我就在这个村子里面等你们,等你们下次再来。”


Odongo iyo Apiyo labadoodaba waxay si adag hab usiiyeen ayeeyadood waxayna yiraahdeen nabad galyo.

欧东格和阿皮尤紧紧地抱着她,跟她告别。


Markii Odongo iyo Apiyo ay dib ugu noqdeen iskuulki waxay u sheegeen saaxiibadood nolosha tuulada. Carruurta qaarkood waxay dareemeen in nolosha magaalada ay wanaagsantahay. Qaar kale waxay dareemeen in tuuladu ay ka fiicantahay. Laakiin badankood, waxay isku raaceen in Odongo iyo Apiyo ay lahaayeen ayeeyo wanaagsan!

当欧东格和阿皮尤回到学校时,他们把村子里的生活告诉了伙伴们。一些人觉得城市生活很不错,另一些人觉得乡村生活更好。最重要的是,每个人都相信欧东格和阿皮尤的奶奶太棒啦!


作者: Violet Otieno
插图: Catherine Groenewald
译文: Abdi Muse
配音: Ibrahim Ahmed
语言: 索马里语
级别: 4级
出处: 原文来自非洲故事书Holidays with grandmother
共享创意授权条款
本着作系采用共享创意 署名 4.0 未本地化版本授权条款授权。
选项
返回故事列表 下载 PDF