下载 PDF
返回故事列表

Magozwe 玛格威

作者 Lesley Koyi

插图 Wiehan de Jager

译文 Abdi Muse

配音 Ibrahim Ahmed

语言 索马里语

级别 5级

将整故事念出来

播放速度

自动念故事


Gudaha magaaladda mashquulsan ee Nayroobi, ee ka fog daryeel nolol ee guriga, waxaa ku noolaa koox wiilal ah oo hoy la’aan ah. Waxay soo dhaweeyeen maalin kasta sidii ay u timid. Subax subxaha kamid ah, wiilasha ayaa darimahooda laablaabanayay ka dib ku seexashadi wadada qaboow qarkeeda. Si aay isaga kiciyaan qabowga waxay shiteen dab qashin lagu shiday. Kooxdan wiilasha ah waxaa ka mid ahaa Magozwe. Wuxuu ahaa kan ugu yar.

在内罗毕这座繁忙的城市里,住着一群流浪的男孩,他们日复一日地活着,从来不知道什么是舒适安逸的生活。一天早上,男孩们从冰冷的人行道上醒来,把他们用来睡觉的毯子叠起来。天太冷了,为了驱赶寒气,他们用拾来的垃圾燃起了一堆火。在这群男孩中有一个人叫玛格威。


Markii waalidkii Magozwe dhinteen, wuxuu ahaa shan sano jir. Wuxuu aaday adeerkii si uu ula noolaado. Ninkani ma daryeeleyn ilmaha. Ma uusan siin Magozwe cunto ku filan. Wuxuu ka yeelay wiilka in uu qabto shaqo badan oo adag.

玛格威的父母过世时,他只有五岁,他搬去跟叔叔一起生活。叔叔从来不关心玛格威。玛格威在叔叔家挨饿受冻,还要干很多体力活。


Haddii Magozwe uu ka cawdo ama su’aalo, adeerkiis ayaa garaaci. Markii uu Magozwe weydiistay inuu iskuul aadi karo, adeerkiis ayaa garaacay oo ku yidhi, “Aad ayaad nacas u tahay in aad wax barato.” Saddex sano oo loola dhaqmayay Magozwe waa uu ka cararay adeerkii. Wuxuu bilaabay in uu ku noolaado waddada.

一旦玛格威稍有抱怨,叔叔就会对他拳打脚踢。有一次,玛格威问叔叔他能不能去上学,叔叔狠狠地打了他几下,说:“你这傻瓜,用得着上学吗?”玛格威过了三年这样的日子,终于离家出走,无家可归。


Nolosha waddadu way adkayd, badankoodna wiilasha waxa ay maalin walba la halgamayay si ay cunto u helaan. Mararka qaarkood waa laxiraayay, mararka qaarkood waa la garaacaayay. Markii ay xanuunsadaan, ma jirin cid caawisa. Kooxdu waxay ku tiirsanayd lacagta yar ee ay tuugsiga ku soo helaan, iyo iibinta caagadaha iyo dib-u-warshadaynta kale. Noloshu waxa ahayd mid sii adag sababtoo ah dagaalo lala galo kooxo cadow ah oo rabo in ay maamulaan qeybo kamid ah magaalada.

流浪生活非常艰辛,大多数男孩每天只能混个温饱。他们有时候会被抓起来,有时候会挨打。当他们生病的时候,没有人照顾他们。这群男孩就靠乞讨得来的一点点钱过活,他们有时候也会卖塑料品和旧货赚点钱。有时候别的流浪汉会来找茬,争夺领地,那时候生活就更艰难。


Maalin maalmaha ka mid ah markii uu Magozwe fiirinayay weelka qashinka lagurido, wuxuu helay buug sheeko oo gaboobay oo dildilaaacsan. Waxuu ka nadiifiyey wasakhdii waxuuna ku ritay jawankiisa. Maalin walbo malintaa kadib wuxuu soo bixin jiray buugga oo eegi jiray sawirada. Ma uusan aqoonin sida loo akhriyo ereyada.

有一天,玛格威正在翻垃圾箱,他找到了一本破旧不堪的故事书。他把书上的灰尘吹走,把书放进了袋子里。每天完工后,他会把书拿出来,翻着上面的图画,可惜他看不懂上面的文字。


Sawirada waxay sheegi jireen sheeko wiil weynaaday sii u noqdo duuliye. Magozwe wuu maalin riyoon jiray isagoo ah duuliye. Mararka qaar, waxuu niyeysan jiray in uu yahay wiilka sheekada ku jiro.

图画书讲的是一个男孩长大成为飞行员的故事。玛格威有时候会梦想自己成为一个飞行员。有时候,他想象着自己就是故事中的男孩。


Waxay ahayd qabow, Magozwe waxa uu markale taagnaa wadada asagoo tuugsanayo. Nin baa xagiisa u soo dhaqaaqay. “Helo, waxaan ahay Thomas, waxaan ka shaqeyaa meel halkan u dhow, oo aad ka heli karto wax aad cunto,” ayuu yiri ninkii. Waxa uu tilmaamay guri jaale ah oo leh saqaf buluug ah leh. “Waxaan rajeynayaa in aad halkaas aadi doonto si aad u hesho cunto?” ayuu weydiiyay. Magozwe wuxuu eegay ninkii, ka dibna guriga. “Waa laga yaabaa,” ayuu yiri, wuuna ka dhaqaaqay.

有一天,天气很冷,玛格威站在街头乞讨。一个男人走过来,跟他打招呼:“你好,我叫托马斯。我在这儿附近工作,你可以到那儿拿点吃的。”他指着一座蓝顶黄墙的房子,“我希望你别客气,到那儿去拿点吃的吧!”玛格威看了看男人,又看了看房子,说:“可能吧!”然后他就走开了。


Bilihii ka dambeeyey, wiilashii hooy la’aanta ahaa waxay la qabsadeen araga Thomas meelaha ka dhow. Wuxuu jeclaa in uu la hadlo dadka, gaar ahaan dadka ku nool wadooyinka. Thomas wuxuu dhageystay sheekooyinka nolosha dadka. Waxa uu ahaa mid aad u daneeyo una dulqaato, marnaba ma ahayn mid kibro ama ixtiraam daran. Qaar ka mid ah wiilasha waxay bilaabeen in ay aadaan guriga jaalaha iyo buluuga ah si ay cunto u helaan duhurnimadii.

接下来的几个月,流浪的男孩们渐渐认识了托马斯。他喜欢跟人聊天,特别是无家可归的人。托马斯听别人讲他们的故事。他不苟言笑,非常耐心、有礼貌,尊重他人。一些男孩开始在白天去蓝顶黄墙的房子里找吃的。


Magozwe wuxuu fadhiyay wadada qarkeeda isaga oo eegaya sawirka buugiisa markuu Thomas soo fadhiistay agtiisa. “Maxay sheekada ku saabsantahay?” ayuu Thomas weydiiyay. “Waxay ku saabsan tahay wiil yar oo noqday duuliye,” ayuu Magozwe ku jawaabay. “Waa maxay magaca wiilka?” ayuu Thomas weydiiyay. “Ma aqaan, ma aqrin karo,” ayuu Magozw si hoos ah u yidhi.

有一天,玛格威正坐在人行道上看故事书,托马斯来了坐在他旁边。托马斯问:“这本书讲了什么故事?”玛格威回答说:“这是关于一个男孩成为飞行员的故事。”托马斯问:“男孩叫什么名字?”玛格威声音低了下去:“我不知道,我不识字。”


Markii ay kulmeen, Magozwe wuxuu bilaabay in uu sheekadiisa u sheego Thomas. Waxay ahayd sheekadii adeerkiis iyo sababta uu ooga soo tagay. Thomas lama hadlin wax badan, mana u sheegin Magozwe waxa uu sameyn lahaa, laakiin marwalba wuxuu u dhageystaa si taxadar leh. Mararka qaark way hadli jireen markii ay ku cunaayan guriga leh saqafka buluugga ah.

当他们再次见面的时候,玛格威开始跟托马斯讲自己的故事,他的叔叔怎么对他,他怎么逃离了叔叔家。托马斯没说什么,也没有告诉玛格威该怎么做,但是他听得很仔细。有时候他们会一边在蓝顶黄墙的房子里吃东西,一边聊聊天。


Maalintii tobnaad dhalashada Magozwe wuxuu Thomas siiyey buug sheeko oo cusub. Waxay ahayd sheeko ku saabsan wiil yar oo tuulo joogay oo koray si uu u noqdo ciyaaryahan caan ah. Thomas wuxuu sheekadaas u akhriyey Magozwe marar badan, ilaa hal maalin ayuu yiri, “Waxaan u maleynayaa inay tahay waqtigii aad tagtay dugsiga aadna baratay si aad u akhrido. Maxaad u malaynaysaa?” Thomas wuxuu sharxay inuu ogaa meel ay carruurtu joogi karaan, oo aadaan dugsi.

玛格威十岁生日的时候,托马斯给了他一本新的故事书,这是关于一个乡下男孩成为足球运动员的故事。托马斯给玛格威讲过这个故事很多次。有一天,托马斯说:“我觉得你应该去上学,去识字。你觉得呢?”托马斯说他知道一个地方,孩子们可以住在那儿,上学。


Magozwe wuxuu ka fakaray meeshan cusub, iyo aadista iskuulka. Maxaa dhacaya haddii uu adeerkiis saxsana oo uu ahaa asaga mid aad u nacas ah inuu wax barto? Maxaa dhacaya haddii ay ku garaacaan meeshan cusub? Wuu cabsaday. “Waxaa laga yaabaa in ay ka wanaagsan tahay inaad ku sii noolaato wadada,” ayuu ku fakaray.

玛格威想了想去新地方生活,上学。但是,如果他叔叔说得对,他太笨了上不了学怎么办?如果在新的地方,他又要挨打怎么办?他有点儿害怕,心想:“也许我注定就要睡在马路边。”


Wuxuu lawadaagay cabsidas Thomas. Muddo ka dib ninkii ayaa ku booriyay wiilka in noloshu ku fiicnaan karto meeshas cusub.

他把自己的想法告诉了托马斯。托马斯对他循循善诱,终于说服了玛格威,他在新地方一定会过上更好的生活。


Oo sidaas daraaddeed Magozwe wuxuu dagay qol guri saqaf cagaaran. Wuxuu qolka la wadaagay laba wiil oo kale. Guud ahaan waxaa jiray toban carruur ah oo ku noolaa gurigaas. Eedo Cissy iyo ninkeeda, seddex eey, bisad, iyo ri duq ah.

玛格威搬到了新家,新家的屋顶是绿色的。他和两个男孩住一间房间。屋子里还住着其他十个孩子。和他们住在一起的是茜茜阿姨和她的丈夫,还有三只狗,一只猫,一头老山羊。


Magozwe wuxuu bilaabay dugsiga, waxayne ahayd mid adag. Waxaa u yaalay wax badan in uu la qabsado. Mararka qaar wuxuu doonayay in uu iska daayo. Laakiin wuxuu ka fekeray duuliyihii iyo ciyaaryahankii kubadda cagta ee buugta sheekooyinka. Sida iyaga oo kale, ma uusan is dhiibin.

玛格威开始读书,他遇到了不少困难,很难赶上他的同学们,有时候他差点就要放弃了。但他每次想起故事书里的飞行员和足球运动员,他都坚持了下来,就像他们一样。


Magozwe wuxuu fadhiyay deyrka gurigii saqafka cagaara, akhrisanayo sheeko buug oo dugsiga. Thomas baa u yimid oo soo ag fadhiistay isaga. “Maxay sheekada ku saabsantahy?” waxaa weydiiyay Thomas. “Waxay ku saabsan tahay wiil yar oo macallin noqday,” ayuu yiri Magozwe. “Waa maxay magaca wiilka?” waxaa weydiiyay Thomas. “Magaciisu waa Magozwe,” ayuu yiri Magozwe isaga oo dhoola cadeynaya.

有一天,玛格威正在屋子后院里看书,托马斯来了,坐在他旁边:“这本书讲了什么故事?”玛格威回答说:“这是关于一个男孩变成老师的故事。”托马斯问:“那个男孩叫什么名字?”玛格威咧嘴一笑:“他叫玛格威。”


作者: Lesley Koyi
插图: Wiehan de Jager
译文: Abdi Muse
配音: Ibrahim Ahmed
语言: 索马里语
级别: 5级
出处: 原文来自非洲故事书Magozwe
共享创意授权条款
本着作系采用共享创意 署名 4.0 未本地化版本授权条款授权。
读多啲5级故事:
选项
返回故事列表 下载 PDF