下载 PDF
返回故事列表

Simbegwire 辛波薇亚

作者 Rukia Nantale

插图 Benjamin Mitchley

译文 Abdi Muse

配音 Ibrahim Ahmed

语言 索马里语

级别 5级

将整故事念出来

播放速度

自动念故事


Markay Simbegwire hooyadeed dhimatay waxay ahayd mid aad u murugaysan. Simbegwire aabaheed waxuu sameeyay sida ugu fiican oo daryeelka gabadhiisa. Si tartiib ah waxay barteen in ay darreemaan farxad markale, la aanta simbegwire hooyadeed. Subax kasta waa ay fadhiistan kana wada hadli jireen wax ku saabsan malinta ka horayso. Fiid kasto waxay wada samayn jirreen cashada. Kadib waa ay dhaqaan maacuunta, aabaha Simbegwire waxuu ka caawin jiray shaqada guriga.

辛波薇亚的妈妈过世的时候,她非常伤心。辛波薇亚的爸爸尽全力照顾孩子。时间久了,他们渐渐开心起来,习惯了没有辛波薇亚妈妈的生活。每天早上,他们坐在一起,谈论着即将到来的一天。每天晚上,他们一起做饭,然后一起洗碗,辛波薇亚的爸爸还帮助她做功课。


Halmaalin aabihii Simbegwire waxuu yimid guriga si kadib dhacsan sidii caadada u ahayd. “Xagee baad joogtaa ilmahayga” wuu u wacay. Simbegwire waxa ay ku oraday aabaheed. Waa ay istagtay si dhaqaaq la’aan ah markay aragtay in uu haysto gacanta haweeney. “Waxaan rabaa in aad lakulanto qof khaas ah, ilmahaygow. Tani waa Aniita,” ayuu yidhi asagoo dhoolacadaynayo.

有一天,辛波薇亚的爸爸回家晚了。他一进门就喊道:“亲爱的孩子,你在哪里?”辛波薇亚跑出来迎接爸爸。但她突然停住了,因为她看到爸爸牵着另外一个女人的手。爸爸笑着说:“我的孩子,来,我向你介绍一个很特别的人,她叫阿妮塔。”


“Halloo Simbegwire, aabahaa aya ii sheegay waxyaabo badan oo kugu saabsan.” Ayay tidhii Anita. Laakiin ma aynan dhoolacadaynin mana ay qaadin gacanta gabadha. Simbegwire aabaheed waxuu ahaa mid aad u faraxsan oo xiiseynaya. Waxuu ka hadlay sida sedexdooda ay u wada noolaan doonan, iyo sida wanaagsanaan ay noloshooda ahaan doonto. “Ilmahayga, waxaan rajaynayaa in aad aqbali doonto Anita sidii hooyadaa o kale,” ayuu yidhi.

阿妮塔跟辛波薇亚打招呼:“你好,辛波薇亚!你的爸爸跟我说了很多关于你的事。”她没有朝辛波薇亚微笑,也没有牵她的手。辛波薇亚的爸爸很高兴,他兴奋地说着,如果他们三个人住在一起,一定会很幸福的。爸爸朝辛波薇亚说:“我的孩子,我希望你能接受阿妮塔成为你的母亲。”


Nolosha Simbegwire way isbadashay. Dambe uma aysan hellin waqti si ay arroorti ula fadhiisato aabaheed. Anita ayaa siisay shaqooyin badan oo guriga kamid ah, taas oo ka dhigtay mid aad uga daallisa ka shaqaynta shaqada iskuulka xilliga fidkii. Waxay si toos ah u aaday sarriirta cashada kadib. Raaxada kali ah ay haysatay waxuu aha bustihii midabaysnaa ooy hooyadeed siissay. Simbegwire aabaheed uma uusan muuqan mid ogaaday in gabadhiisa aysan faraxsanayn.

辛波薇亚的生活变了。她每天早上没有时间和爸爸坐在一起聊天。阿妮塔让辛波薇亚做很多家务,辛波薇亚每天晚上都累极了,根本没有时间做功课。她一吃完晚饭就睡觉了。她唯一的安慰就是妈妈留给她的彩色毯子。辛波薇亚的爸爸似乎没有意识到女儿一点儿也不开心。


Dhowr bilood ka dib, Simbegwire aabaheed ayaa u sheegay ayaga in uu ahaan doono mid ka maqan guriga cabaar. “Waa inaan u safraa shaqadeyda,” ayuu yiri. “Laakiin waan ogahay in aad is illaalin doontaan.” Wajiga Simbegwire ayaa qushuucay, laakiin aabaheed ma ogaanin. Anita ma sheegin waxbo. Mana aysan faraxsaneyn.

过了几个月,辛波薇亚的爸爸告诉她们,他要离家一段时间。他说:“我得出差,我相信你们会互相照顾对方的。”辛波薇亚低下头,但她的爸爸没有注意。阿妮塔什么也没说,她也不太高兴。


Arrimaha way ku sii xumaadeen Simbegwire. Hadaysan dhamaynin shaqada ama aay cabato, Anita ayaa kudhufan. Xilliga cashada, haweenayda aya cuntay inta badan cuntada, ayadoo ureebayso Simbegwire waxyaabaha haraaga ah. Habbeen kasto Simbegwire ooyinta ayay ku seexan jirtay, ayaddoo bustihii hooyadeed hab siineyso.

辛波薇亚的生活变得更糟糕了。如果辛波薇亚没有做完家务,或者她稍微有点抱怨的话,阿妮塔就会打她。晚上,阿妮塔把大多数食物都吃了,只留给辛波薇亚一点剩饭剩菜。每天晚上,辛波薇亚都流着泪入睡,她只能紧紧地抱着妈妈留下的毯子。


Hal subax, Simbegwire ayaa ku daahday kasoo kiicida sariirta. “Gabadhaadan caajislayda ah!” Anita ku dhawaaqday. Waxaay simbegwire kasoo jiiday sariirtii. Bustihii qaaliga ahaa waxaa qabsaday musbaar, labo ayuu na u kala jeexay.

一天早上,辛波薇亚起床晚了。阿妮塔气极了:“你这个懒虫!”她把辛波薇亚从床上拉起来。毯子勾到一颗钉子,撕成了两半。


Simbegwire aad bay u xanaaqday. Waxay go’aansatay inay ka cararto guriga. Waxay qaadatay gogi’ii bustaha hooyadeed, waxay xiratay xogaa cunto ah, waxayna ka tagtay guriga. Waxay raacday wadadii aabaheed maray.

辛波薇亚伤心透了,她决定离家出走。她带着毯子的碎片,包了一些食物,沿着爸爸出差的路离开了家里。


Markii ay fiidkii tahay, waxay kortay geed dheer oo u dhow dooxada waxayna nafteeda sariir uga samaysay laamaha. Sidaasey u seexatay, way heestay: “Hooyo, Hooyo, Hooyo, waad iga tagtay, waad iga tagtay oo mana aadan soo laaban, Aabbo ima jeclo. Hooyo,goormad dib u soo noqon, waad iga tagtay.”

天黑了,辛波薇亚找到一棵长在小溪旁边的树。她爬上了树,在树枝上搭了一张小床。她唱着歌,渐渐睡着了:“妈妈,妈妈,妈妈,你离开了我,离开了我再也不回来了。爸爸再也不爱我了。妈妈,你什么时候回来,你离开了我……”


Subbaxdii xigtay, Simbegwire waxay heetsay heesti markale. Markay dumarku yimaadeen dooxada si ay ugu dhaqdaan dharkooda, waxay maqleen hees murugo ah oo ka imaanayso geedka dheer. Waxay u maleeyeen in ay ahayd dabeysha oo kaliya oo lulaayso caleemaha, waxayna sii wateen shaqadoodi. Laakiin mid ka mid ah haweenka ayaa si taxaddar leh u dhegaystay heesta.

第二天早上,辛波薇亚又唱起了这首歌。附近的女人到溪水边来洗衣服,她们听到了树上传来的歌声。她们以为这是风穿过树叶的声音,于是就没有在意,继续洗衣服。但其中有个女人仔细地听着这首歌。


Naagtan waxay kor u eegtey geedkii gudihiisa. Markay aragtay gabadha iyo gogi’i bustaha midabka leh, waxay ku ooyday “Simbegwire, ilmihii walaalkay!” Dumarkii kale waxay joojiyeen dhaqistii waxayna caawiyeen Simbegwire si ay uga soo dagato geedka. Eedadeed ayaa hab siisay gabadhii yarayd, waxayna isku dayday inay dajiso.

女人抬起头来看着那棵树。当她看到辛波薇亚和那条彩色的毯子时,她吓了一跳:“辛波薇亚,我哥哥的孩子!”其他的女人也停下了手里的活儿,帮助辛波薇亚从树上爬了下来。她的姑姑紧紧地抱着她,尽量安慰她。


Simbegwire eedadeed ayaa u qaaday ilmihi gurigeeda. Waxay siisay simbegwire cunto diiran, waxa ayna ku jiifisay sariir ayadoo haysata bustihii hooyadeeda. Habeenkaas, Simbegwire waa ay ooyday sideey ugu seexatay sariirta. Laakiin waxa ay ahayd ilin farxadeed. Waxay ogaatay in eedadeed illaalin doonto ayada.

辛波薇亚的姑姑带着她去了自己家。她给辛波薇亚煮了美味的食物,又给她铺了床,让她盖着妈妈的毯子睡觉。那天晚上,辛波薇亚又哭着睡着了。不过这次是欣慰的泪水。她知道她的姑姑会照顾她。


Markii Simbegwire aabaheed ku soo laabtay guriga, wuxuu arkay qolkeedii oo madhan. “Maxaa dhacay, Anita?” wuxuu u waydiiyay si adag. Haweenaydi waxay u sharaxday in Simbegwire ay carrartay. “Waxaan rabay in ay i ixtiraamto,” ayay tidhi. “Laakiin malaha waxaan ahaa mid aad ugu ad adag.” Simbegwire aabaheed ayaa ka tagay guriga waxuuna aaday jahadii dooxada. Wuxuu socday illaa iyo tuuladii walaashii bal si uu u ogaado haddii ay aragtay Simbegwire

辛波薇亚的爸爸回到家里,发现辛波薇亚的房间里空荡荡的。他疲倦极了,问阿妮塔发生了什么事。阿妮塔说辛波薇亚离家出走了。她解释道:“我只是想让她尊敬我,但是我可能太严格了。”辛波薇亚的爸爸跑出家门,沿着小溪去找辛波薇亚。他走到了妹妹的村庄,想问问她有没有见过辛波薇亚。


Simbegwire waxay la ciyaaraysay ilma eedadeed markii ay ka aragtay aabaheed meel fog. Waxay ka cabsatay inuu xanaaqsanyahay, sidaa darteed waxay ku oraday guriga dhexdiisa si ay isku qariso. Laakiin aabbeheed baa u yimid waxuuna ku yidhi, “Simbegwire, waxaad u heshay naftaada hooyo kaamil ah. Taasoo ku jecel kuna fahmayso. Waan kugu faanaa waana ku jeclahay.” Waxay ku heshiiyeen in Simbegwire ay la joogi doonto eedadeed inta ay rabto.

辛波薇亚正在和她的表兄弟姐妹玩耍,但她突然看到了远处的爸爸。她害怕爸爸会生气,于是就跑到房子里躲了起来。但是爸爸找到她,对她说:“辛波薇亚,你自己找到了一个完美的妈妈,她爱你,理解你。我为你感到骄傲,我爱你。”他们商量后决定辛波薇亚可以和姑姑住在一起,想呆多久就可以呆多久。


Aabaheed ayaa maalin walba soo booqan jiray. Ugu dambeyntii, wuxuu la yimid Anita. Waxay laacday Simbegwire gacanteedi. “Aad ayaan uga xumahay yariisey, waan qaldamay,” ayay ku ooyday. “Ma ii ogolaaneysaa in aan mar kale isku daydo?” Simbegwire waxay eegtay aabaheed iyo wajigiisa welwelsan. Kadibna si tartiib ah ayay horay u socotay waxayna gacmaheeda ku wareejisay Anita.

辛波薇亚的爸爸每天都来看她。有一天,他和阿妮塔一起来了。阿妮塔朝辛波薇亚伸出手,她哭了:“我太抱歉了,小家伙,对不起,我错了,你可以再给我一次机会吗?”辛波薇亚看了看爸爸,看到他忧虑的脸庞。她朝前走了一步,抱住了阿妮塔。


Toddobaadkii kuxigay, Anita ayaa ku martiqaaday Simbegwire, ilmo eedadeed iyo eedadeed ba guriga iyo cunto. Maxay cunto ahayd! Anita waxay diyaarisay dhamaan cuntooyinki ay ugu jeclayd Simbegwire, qof kastana wuu cunay ilaa ay ka dhargaan. Kadibna carruurtu waa ay ciyaarayeen halka dadka waawayna sheekaysteen. Simbegwire waxay dareentay farxad iyo geesinimo. Waxay go’aansatay in si dhakhso, oo dhakhso ah, ay ku noqon doonto guriga si ay ula noolaato aabaheed iyo eedadeed/aayadeed.

过了几天,阿妮塔邀请辛波薇亚,姑姑和姑姑的孩子们一起到家里吃饭。好丰盛啊!而且那都是辛波薇亚喜欢吃的东西,每个人都吃得津津有味。吃完饭,大人们在家里聊天,孩子们在外面玩耍。辛波薇亚觉得很开心,自己变得更加勇敢了。她决定不久以后就要回到家里,和自己的爸爸,继母住在一起。


作者: Rukia Nantale
插图: Benjamin Mitchley
译文: Abdi Muse
配音: Ibrahim Ahmed
语言: 索马里语
级别: 5级
出处: 原文来自非洲故事书Simbegwire
共享创意授权条款
本着作系采用共享创意 署名 3.0 未本地化版本授权条款授权。
读多啲5级故事:
选项
返回故事列表 下载 PDF