تحميل بصيغة PDF
العودة لقائمة القصص

Ilmo dameer ah صغير الحمار

كُتِب بواسطة Lindiwe Matshikiza

رسمة بواسطة Meghan Judge

بترجمة Anwar Mohamed Dirie

قرأه Ibrahim Ahmed

لغة الصومالية

مستوى المستوى 3

سرد للقصة كاملة

سرعة القراءة

تشغيل تلقائي للقصة


Gabar yar ayaa aragtay muuqaal aan la garaneyn oo masaafo ka muuqdo.

كانت الفتاة الصغيرة هي أول من رأى الشبح الغامض قادماً من بعيد.


Markii uu muuqaalki soo dhowaaday, waxa ay aragtay in ay tahay haweeney xaamilo culus ah.

وباقتراب الشكل الغامض منها، تبينت الفتاة بأنه شبح امرأة حامل.


Xishood laakiin geesi nimo, gabadhii waxa ay ku sii dhowaatay haweeneydii. “Waa in ay nala joogtaa,” ayay gabadha dadkeedii go’aansadeen. “Iyada iyo ilmaheedaba waa aannu nabad gelinaynaa.”

تقدمت الفتاة نحو المرأة واقتربت منها، ببعض الخجل لكن بكل شجاعة. قال أهل الفتاة:” علينا أن نحتفظ بهذه المرأة بيننا. سوف نقوم بحمايتها هي وصغيرها”.


Ilmaha ayaa soo dhakhso ba wadada soo galay. “Riix!” “Bustayaal la kaalaya!” “Biyo!” “Riiiixxxxxx!!!”

وبعد مدة وجيزة حان موعد ولادة الصغير. قالت نساء القرية: “هيا ادفعي … هات الغطاء … هات الماء … ادفعيييييييي …”.


Laakiin markii ay ilmihii arkeen, qof walba gadaal ayuu argagax ugu booday. “Dameer?!”

لكن، وعندما رأت النسوة المولود قفزن إلى الوراء من هول الصدمة “حمار!”


Qof waliba muran ayuu bilaabay. “Waxa aynnu ballan qaadnay in aan ilmaha iyo hooyadaba nabad gelyo siinno, waana in aan sidaas yeelnaa,” qaar baa sidaa yiri. “Laakiin waxa ay noo horseedi doonaan nasiib darro!” qaar kale ayaa sidaa iyana yiri.

بدأت النسوة يتجادلن حول المولود الجديد. البعض قلن بأنهن سوف يحتفظن بالمولود وأمه لأنهن وعدنها بذلك، بينما تخوف البعض الأخر من أنهما قد يكونا نذير شؤم على القرية.


Sidaa darteed haweeneydii way cidlowday mar kale. Waxa ay ka la yaabaneyd wixii ay ku sameyn lahayd ilmahan qaabka daran. Waxa kale oo ay ka la yaabaneyd wixii ay iyaduna isku sameyn lahayd.

وهكذا وجدت المرأة نفسها وحيدة من جديد، تسأل نفسها في حيرة عما يمكن أن تفعله بهذا الطفل الأخرق وبنفسها.


Aakhirkii waxa ay isku qancisay in ay aqbasho in uu ilmaheedii yahay, iyaduna ay hooyadiis tahay.

وانتهى بها التفكير إلى قبول الأمر، فهذا الحمار ابنها وهي الآن أمه.


Hada, hadii uu dameerka ku joogi lahaa sidiisi,bar yaraanta,wax walbo waxaan ahaan lahaayeen si ka duwan sidan. Laakiin ilmihii dameerka ahaa wuu koray oo koray ilaa uu la ekaan waayay dhabarkii hooyadii. Si kasta oo uu isku deyay na, waa uu u dhaqmi waayey sidii dadkii oo kale. Hooyadii aad bay u daashay oo waa ay isku buuqday. Marmar waxa ay isku dayday in uu sida xayawaanka u shaqeeyo.

ولو أن الجحش حافظ على حجمه الصغير لاختلف الأمر. لكن الجحش بدأ يكبر ويكبر حتى لم يعد بإمكان الأم حمله على ظهرها. وكان غير قادر على أن يسلك سلوك الآدميين مهما فعل ومهما حاول ذلك. أحست الأم بالتعب والإحباط، وكانت تكلفه أحيانا بأعمال يقوم بها الحيوانات.


Jahawareer iyo carro ayaa iskugu darsantay dameerkii. Sidan ma yeeli karo sidaana ma yeeli karo. Sidan ma noqon karo sidaana ma noqon karo. Mar uu aad u xanaaqay, ayaa uu maalin hooyadii laad ku kiciyey oo dhulka ku tuuray.

نما بداخل الحمار شعور بالغضب والارتباك. إذ هو لا يعرف ما يفعله ولا من يكون ولا كيف يكون. وفي يوم من الأيام، بلغ الغضب بالحمار منتهاه لدرجة انه ركل أمَّه وأوقعها أرضا.


Dameerkii ceeb ayuu dareemay. Waxa aanu bilaabay in uu aad u ordo oo uu u cararo meel fog.

شعر الحمار بعدها بالخجل الشديد لما بدر منه في حق أمه وانبرى هارباً بعيداً.


Waqtigii uu joojiyay orodkii, habeen bay ahayd, Dameerkiina waa uu lumay. “Haa’i Aaa?” ayuu mugdigi uga dhex gunuunacay. “Haa’i Aaa?” ayuu mugdiga ka daba dhahay. Waaxuu ahaa mid cidloobay. Intuu isku duuduubay sidii kubad adag, ayuu la dhacay hurdo dheer oo dhiban.

ولما توقف عن الجري، كان الظلام قد أرخى سدوله على المكان فإذا بالحمار يضيع طريقه وإذا به يهمس للظلام: “هييه … هاو؟” ويردد رجع الصدى: “هييه … هاو؟”. وجد الحمار نفسه وحيدا فتكوم على نفسه وخلد إلى نوم عميق مضطرب.


Dameerkii waxa uu toosay isaga oo oday la yaab leh hoos usoo eeegayo. Indhihi odayga ayuu eegay waxuu na billaabay inyar oo rajo ah in uu dareemo.

وعندما استفاق من نومه، وجد شيخاً غريباً واقفاً عند رأسه محدقاً فيه. نظر الحمار في عيني الشيخ وبدأ يشعر ببصيص من الأمل.


Dameerkii waxa uu raacay si uu ula joogo odagii, kaas oo baray qaabab kala duwan oo ah sida loo noolaado. Dameerkii waxa uu noqday mid wax dhageystay oo na wax bartay, sidoo kale ayuu sameeyay odaygana. Waa ay is caawiyeen, waa ayna wada qosleen si wada jir ah.

انتقل الحمار للعيش مع الشيخ، فعلمه أساليب عديدة للعيش. استمع الاثنان إلى بعضهما وتعلما الكثير من بعضهما وتعاونا وضحكا كثيرا معا.


Subax subaxyada ka mid ah, ayaa uu odagii weyddiistay Dameerkii in uu u qaado buur dhaladeed.

وفي صباح أحد الأيام، طلب الشيخ من الحمار أن يحمله إلى قمة الجبل.


Meeel kore oo daruuraha ka mid ah ayey hurdo kula dul dhaceen. Dameerkii waxa uu ku riyooday hooyadiis oo xanuunsanaysa oo isaga u yeeraysa. Markii uu toosay na…

وهناك بين السحب، خلد الاثنان إلى النوم. حلم الحمار بأن أمه مريضة وبأنها تناديه. وعندما استفاق من نومه،


… daruurihii ayaa la libdhay asaga iyo saaxiibkiis ba, odayga duqa ahaa.

وجد الغيوم قد اختفت، وكذا صديقه الشيخ.


Ugu dambeyntii dameerkii waa uu ogaaday waxa in la sameeyo ah.

عندها، عرف الحمار ما يجب عليه فعله.


Dameerkii waxa uu helay hooyadii, oo cidlootay una barooranaysa ilmaheedii lumay. Muddo dheer ayay is eegteen midba midka kale. Dabadeedna ihabisi siiyeen waliba si adag.

ولدى رجوعه إلى البيت وجد أمه وحيدة ترثي ابنها المفقود. حدق الاثنان في بعضهما لفترة طويلة ثم عانق كل منهما الآخر عناقا حارا.


Ilmihi dameerka ahaa iyo hooyadii waa ay wada koreen waxa ayna heleen qaabab badan oo ay ku wada noolaan karaan midba midka kale dhiniciisa. Tartiib tartiib, dhinacyadooda oo dhan, qoysas ayaa bilaabay in ay soo dagaan.

كبر الحمار وأمه معاً ووجدا لنفسيهما سبلاً عديدة للتعايش في سلام جنباً إلى جنب. وشيئاً فشيئاً، بدأت عائلات أخرى تستقر حول الحمار وأمه.


كُتِب بواسطة: Lindiwe Matshikiza
رسمة بواسطة: Meghan Judge
بترجمة: Anwar Mohamed Dirie
قرأه: Ibrahim Ahmed
لغة: الصومالية
مستوى: المستوى 3
المصدر: Donkey Child از القصص الأفريقية القصيرة
رخصة المشاع الإبداعي
تحت مجوز المشاع الإبداعي نَسب المُصنَّف 4.0 دولي کریتز کامنز به نشر رسید.
خيارات
العودة لقائمة القصص تحميل بصيغة PDF