تحميل بصيغة PDF
العودة لقائمة القصص

Anansi iyo xikmad أنانسي و الحكمة

كُتِب بواسطة Ghanaian folktale

رسمة بواسطة Wiehan de Jager

بترجمة Anwar Mohamed Dirie

قرأه Ibrahim Ahmed

لغة الصومالية

مستوى المستوى 3

سرد للقصة كاملة

سرعة القراءة

تشغيل تلقائي للقصة


Waagii hore dadku waxba ma aysan aqoon. Ma aynan aqoon sida miro loo beero ama sida dhar loo sameeyo ama sida bir qalab looga sameeyo. Illaaha cirka kore ee Nyame ayaa lahaa xikmadi aduunka oo idil. Waxa uu na ku kaydiyey dhari dhoobo ah.

في قديم الزمان، كان الناس لا يعرفون شيئا. كانوا لا يعرفون طريقة زراعة المحاصيل، أو نسج الأقمشة، أو صناعة الأدوات الحديدية. كان هناك الإله نيام في السماء وكان يملك كل الحكمة الموجودة في العالم. وكان محتفظا بها في وعاء من الفخار.


Maalin maalmaha ka mid ah, Nyame waxuu goansaday in uu dhariga xikmada ah siiyo Anansi. Mar walba oo uu Anansi eego gudaha dhariga dhoobada ah, waxuu bartaa wax cusub. Waxa ayna ahayd arin aad u xiiso badan!

في يوم من الأيام، قرر نيام أن يعطي وعاء الحكمة إلى أنانسي. في كل مرة كان أنانسي ينظر في وعاء الفخار، كان يتعلم شيئا جديدا. كان أمرا مثيرا!


Damaaci Anansi waxuu ku fikiray “waa in aan ku xafidaa dhariga dusha geed dheer. Si aan dhamaan kaligay u heysto!” Waxa uu soohay xarig dheer, dharigii dhoobada ayuu ku wareejiyay, dhexda ayuuna ku sii xirtay. Waxuu bilaabay in uu geedka fuulo. Lakin aad ayay ugu adkayd fuulida geedka ayadoo dhariga ka garaacayay jilbaha mar walba.

فكر الجشع أنانسي: “أنا سوف أحتفظ بالوعاء في مكان آمن في أعلى شجرة طويلة. بعد ذلك يمكن أن يكون كل شيء لنفسي!” ونسج خيط طويل، ولفه حول وعاء الطين، وربطه إلى بطنه. بدأ تسلق الشجرة. ولكن كان من الصعب تسلق الشجرة والوعاء يخبط في ركبتيه طوال الوقت.


Intaa oo dhan Anansi wiilkiisi yaraa ayaa taagnaa geedka hoostiisa oo daawanayay. Waxuu yiri, “Miyaysan sahlanaan laheyn in aad fuusho hadii aad dhariga dhabarka ku xirato?” Anansi waxa uu isku dayay ku xirashada dharigii dhoobada ahaa oo ay xikmadu ka buuxday dhabarkiisa, waxayna dhab ahaanti aheyd mid in badan fudud.

خلال كل هذا الوقت كان ابن أنانسي الصغير يشاهد من أسفل الشجرة. وقال: “ألن يكون من الأسهل تسلق الشجرة إذا كان الوعاء مربوطا إلى ظهرك بدلا من بطنك؟” حاول أنانسي ربط وعاء الفخار المليء بالحكمة إلى ظهره، وأصبح فعلا تسلق الشجرة أسهل.


Waqti yar ba waxuu gaaray geedka dushiisa. Laakiin markiiba wuu istaagay waxa uu na ka fikiray, “Aniga uun bay ahayd midka heysto xikmad oo dhan, hadana meeshan wiilkayga ayaa iga xariifsan aniga!” Anansi aad buu u carooday dharigii dhoobada ayuu geedka kasoo tuuray.

خلال وقت قصير وصل إلى أعلى الشجرة. ولكن بعد ذلك توقف وفكر، “أنا من المفترض أن أكون صاحب كل الحكمة، وهنا كان ابني أذكى مني!” كان أنانسي غاضب جدا وألقى وعاء الفخار إلى أسفل الشجرة.


Dhulka ayuuna jajab ugu burburay. Xikmaddii way xorowday si qof waliba qayb uga helo. Waana sababta ay hadda dadku u barteen sid loo beerto, sida dhar loo tosho, qalab looga sameysto birta, iyo wax walba oo kale oo dadku ay hada yaqaanaan sida loo sameeyo.

تحطم الوعاء إلى قطع صغيرة على الأرض. وأصبحت الحكمة للجميع لكي يتشاركوها. وهكذا تعلم الناس الفلاحة، ونسج الأقمشة، وصناعة الأدوات الحديدية، وجميع الأشياء الأخرى التي يعرف الناس كيفية القيام بها.


كُتِب بواسطة: Ghanaian folktale
رسمة بواسطة: Wiehan de Jager
بترجمة: Anwar Mohamed Dirie
قرأه: Ibrahim Ahmed
لغة: الصومالية
مستوى: المستوى 3
المصدر: Anansi and Wisdom از القصص الأفريقية القصيرة
رخصة المشاع الإبداعي
تحت مجوز المشاع الإبداعي نَسب المُصنَّف 3.0 دولي کریتز کامنز به نشر رسید.
خيارات
العودة لقائمة القصص تحميل بصيغة PDF