Download PDF
Back to stories list

Mooskii ayeeyo Ndizi za bibi

Written by Ursula Nafula

Illustrated by Catherine Groenewald

Translated by Abdi Muse

Read by Ibrahim Ahmed

Language Somali

Level Level 4

Narrate full story

Reading speed

Autoplay story


Beerta ayeeyo waa mid cajiib ah, oo uu ka buuxo hadhuudh, masago, iyo xajmiga. Laakiin midka ugu wanaagsan dhamaan waa mooska. Inkasta oo ayeeyo ay leedahay ilmo faro badan, waxaan si qarsoodi ah u ogaaday in aan ahaa kan ay ugu jeceshahay. Waxay igu martiqaaday marar badan gurigeeda. Waxay kaloo ii sheegtay qarsoodi yar. Laakiin waxaa jiray hal qarsoodi oo aayna ila wadaagin: halka ay ku huuriso mooska.

Bibi alikuwa na bustani nzuri iliyojaa mtama, ulezi na mihogo. Lakini kati ya mazao yote, alipenda zaidi ndizi. Japo bibi alikuwa na wajukuu wengi, nilikuja kubaini kuwa alikuwa ananipenda mimi zaidi ya wote. Mara nyingi alikuwa akinialika nyumbani kwake. Pia alikuwa ananiambia siri ndogo ndogo. Lakini kulikuwa na siri moja ambayo hakunishirikisha: alipokuwa anavundika ndizi.


Maalin maalmaha ka mid ah waxaan arkay dambiil weyn oo caws kasamaaysan oo la dhigay qorraxda banaanka guriga ayeeyo. Markii aan weydiiyay waxa ay ahayd, jawaabta kaliya ee aan helay waxay ahayd, “Waa danbiishaydii mucjisada.” Danbiisha waxaa ku xigay, caleemo badan oo moos kuwaas oo ayeeyo isku badbadalaysay waqti ka waqti. Waan xiiseynayey. “Waa maxay caleemaha, ayeeyo?” ayaan weydiiyay. Jawaabta kaliya ee aan helay waxay ahayd, “Waxay yihiin caleemihii mucjisadayda.”

Siku moja niliona tenga kubwa limeanikwa juani nje ya nyumba ya bibi. Nilipouliza lilikuwa la nini, jibu pekee nililopata lilikuwa, “Hilo ni tenga langu la maajabu.” Pembeni mwa tenga lile kulikuwa na majani ya ndizi ambayo bibi alikuwa akiyageuza kila mara. Nilipatwa na shauku. “Bibi, hayo majani ni ya nini?” niliuliza. Jibu pekee nililopata lilikuwa, “Ni majani yangu ya maajabu.”


Waxaay ahayd mid aad u xiiso leh daawashada ayeeyo, mooska, caleemaha mooska iyo dambiisha cawska ka samaysan. Laakiin ayeeyo waxay ii dirtay hooyaday si aan shaqo yar ugu qabto. “Hooyo, fadlan, aan daawado saad u diyaarinayso …” “Ha noqonin mid madax adag, ilmo, samee sidii laguu sheegay,” ayay ku adkaysatay. Orod baan ooga tagay.

Nilikuwa na shauku kubwa kumwangalia bibi, ndizi, majani ya ndizi na tenga kubwa. Lakini bibi alinituma kwenda kwa mama. “Bibi, tafadhali naomba nitazame unavyoandaa…” “Usiwe msumbufu, fanya ulichoambiwa,” alisisitiza. Nikaondoka nikikimbia.


Markii aan ku soo laabtay, ayeeyo waxay fadhiday banaanka, laakiin dambiil ama moos toona ma oolin. “Ayeeyo, aaway dambiishii, aaway mooskii oo dhan, iyo aaway …” Laakiin jawaabta kaliya ee aan helay ayaa ahayd, “Waxay ku jiraan goobtaydii mucjisada.” Waxay ahayd niyadjab!

Niliporudi, bibi alikuwa amekaa nje, ila hakukuwa na tenga wala ndizi. “Bibi, tenga liko wapi, zile ndizi ziko wapi, na…” Jibu pekee nililopata lilikuwa, “Zipo kwenye eneo la maajabu.” Ilikuwa inasikitisha.


Labo maalmood ka dib, ayeeyo ayaa ii dirtay si aan oogu soo qaado bakooradeedii qolkeeda jiifka. Isla markii aan furay albaabka, waxaa i soo dhaweeyay carafta xooggan ee mooska. Qolka gudahiisa waxaa ku jiray dambiishii weynayd ee mucjisada. Waxaa si fiican u qariyey buste duug ah. Kor ayaan uga qaaday waana uriyay caraftii wanaagsaneyd.

Siku mbili baadaye, bibi alinituma kwenda chumbani kwake kumletea mkongojo. Mara tu baada ya kufungua mlango, nilikaribishwa na harufu kali ya ndizi mbivu. Pembeni mwa chumba kulikuwa na tenga kubwa la maajabu la bibi. Lilikuwa limefichwa na blanketi la zamani. Nikaliinua na kunusa ile harufi nzuri.


Codkii ayeeyo ayaa i cabsigaliyay markii ay ii dhawaaqday, “Maxaad samaynaysaa? Soo dhakhso iina keen usha.” Waxaan ula soo orday iyada bakooradii. “Maxaad urinaysaa?” Ayeeyo ayaa ii waydiisay. Su’aasheeda waxay iga dhigtay inaan ogaado inaan wali carfisanaayo goobteedii mucjisada.

Sauti ya bibi ilinishtua alipoita, “Unafanya nini? Fanya haraka niletee mkongojo.” Nikaharakisha kwenda nje na mkongojo wake. “Unatabasamu nini?” bibi aliuliza. Swali lake likanifanya nigundue kuwa kumbe bado nilikuwa ninatabasamu baada ya kugundua eneo lake la maajabu.


Maalintii xigtay markii ayeeyo ay soo booqatay hooyo, waxaan u orday gurigeeda si aan u eego mooska mar kale. Waxaa jiray kuwo farabadan oo aad u bislaaday. Waxaan soo qaatay hal xabo waxaana ku qariyay dharkayga. Kadib markii aan dib u daday, waxaan guriga gadaashiisa, si degdeg ahne waan u cunay. Waxay ahayd mooskii ugu macaanaa ee aan abid dhadhamiyey.

Siku iliyofuata bibi alipokuja kumtembelea mama yangu, nikakimbilia nyumbani kwake kuangalia ndizi tena. Kulikuwa na vichane vya ndizi zilizoiva. Nikachukua ndizi moja na kuificha kwenye nguo yangu. Baada ya kufunika tenga tena, nikaenda nyuma ya nyumba na harakaharaka nikaila. Ilikuwa ni ndizi tamu ambayo sijawahi kula kamwe.


Maalintii xigtey, markii ay ayeeyo beerta qudaar kasoo guraysay, waxaan u dhuuntay oo aan eegay mooska. Ku dhowaad dhammaantood way bislaadeen. Anigu ma awoodi karin in aan qaado afar xidhmood/gacan.Markaan albaabka xagiisa usoo tagtaagsan hayay, waxaan maqlay ayeeyo qufacayso. Waxaa ii suurto gashay in aan ku qariyo mooska dharkayga hoostiisa waana garab maray.

Siku iliyofuata, bibi alipokuwa bustanini akichuma mboga, nikanyemelea ndani kuchungulia ndizi. Karibu zote zilikuwa zimeiva. Nikashindwa kujizuia nikachukua kichane cha ndizi nne. Nilipokuwa nanyata kuelekea mlangoni, nikamsikia bibi akikohoa nje. Nilifanikiwa kuzificha ndizi ndani ya nguo yangu na tukapishana bila ya kugundua.


Maalintii xigtay waxaay ahaayd maalintii suuqa. Ayeeyo ayaa hore u toostay. Marwalba waxay qaadi jirtay moos bislaaday iyo xajmi caanaha si ay ugu iibiso suuqa. Anigu ma aanan degdegin inaan booqdo maalintaas. Laakin ma aanan ka ahaan karin muddo dheer.

Siku iliyofuata ilikuwa siku ya gulio. Bibi aliamka asubuhi sana. Huwa anapeleka ndizi mbivu na mihogo kuuza gulioni. Siku hiyo sikuwa na haraka kwenda kumsalimia. Ila sikuweza kumkwepa kwa muda mrefu.


Xilli danbe fiidkaas, waxaa ii yeedhey hooyaday iyo aabahay, iyo ayeeyo. Waan ogaa sababta. Habeenkaas saan sariirta udul jiifay saan u hurdo, waxaan ogaa inaan marnaba mar dambe wax xadaynin, ma ahan ayeeyo, waalidiintayda, iyo hubaashii ma aha qof kale.

Jioni ile niliitwa na mama, baba na bibi. Nilijua kwanini. Usiku ule nilipokwenda kulala, nilijua siwezi kuiba tena. Siwezi kumwibia bibi, wazazi wangu na mtu yeyote yule.


Written by: Ursula Nafula
Illustrated by: Catherine Groenewald
Translated by: Abdi Muse
Read by: Ibrahim Ahmed
Language: Somali
Level: Level 4
Source: Grandma's bananas from African Storybook
Creative Commons License
This work is licensed under a Creative Commons Attribution 3.0 International License.
Options
Back to stories list Download PDF