Download PDF
Back to stories list

Go’aan Uamuzi

Written by Ursula Nafula

Illustrated by Vusi Malindi

Translated by Abdi Muse

Read by Ibrahim Ahmed

Language Somali

Level Level 2

Narrate full story

Reading speed

Autoplay story


Tuuladayda waxay lahayd dhibaatooyin badan. Waxaan samaynay saf dheer si aan biyo ooga soo dhaansano tuubada.

Kijiji changu kilikuwa na matatizo mengi. Tulipanga foleni ndefu tukisubiri kuchota maji kutoka mfereji mmoja.


Waxaan sugnay raashin ay nagu deeqeen dad kale.

Tulisubiri kupokea msaada wa chakula.


Waxaan xirnay guryahanaga amin hore sababta oo ah tuugo.

Tulifunga nyumba zetu mapema kwasababu ya wizi.


Caruur badan ayaa dugsiga ka baxday.

Watoto wengi waliacha shule.


Gabdhaha yaryar waxay ka shaqeeyeen sidii adeegto tuulooyinka kale.

Wasichana wadogo walifanya kazi za nyumbani kwenye vijiji vingine.


Wiilasha yaryar waxay ku wareegeysteen agagaarka tuulada halka kuwa kale na ay ka shaqeeyeen beeraha dadka.

Wavulana wadogo waliranda randa kijijini na wengine walifanya kazi kwenye mashamba ya watu.


Markii dabayshu kacdo, waraaqaha qashinka ayaa ka lalmado geedaha iyo dayrarka.

Upepo ulipovuma, ulipeperusha karatasi chafu na kuzifikisha mitini na uani.


Dadka waxaa jarjaray dhalooyin jajaban kuwaa oo loo tuuray si taxadar la’aan ah.

Watu walikatwa na vipande vya chupa vilivyotupwa ovyo ovyo.


Kadib hal maalin, tuubada ayaa biyo la’aan laga dhigay weelashanadana faaruq bey ahaayeen.

Halafu siku moja, mfereji wa maji ulikauka na mitungi yetu ikawa mitupu.


Aabahay ayaa guri guri ugu tagay asagoo waydiinayo dadka in ay ka qayb galaan shirka tuulada.

Baba yangu alitembea nyumba hadi nyumba akiwaomba watu kuhudhuria mkutano wa kijiji.


Dadka waxay iskugu soo urureen geed wayna hoostiisa wayna dhagaysteen.

Watu walikusanyika chini ya mti mkubwa na kusikiliza.


Aabahay ayaa istaagay waxuuna yidhi, “Waxaan u baahanahay in aan wada shaqayno si aan u xallino dhibaatooyinkeena.”

Baba yangu alisimama na kusema, “Tunahitaji kusaidiana kutatua matatizo yetu.”


Juma oo sideed jir ah, oo kufadhiyo jirridda geedka ayaa ku qeyliyay, “Waan kaa caawin karaa nadiifinta.”

Juma, mtoto wa miaka minane aliyekuwa amekaa kwenye tawi la mti, alisema kwa sauti, “Naweza kusaidia na usafi.”


Haweeney ayaa tiri, “Dumarka way igu soo biiri karaan si ay u beeraan cuntada.”

Mwanamke mmoja alisema, “Sisi wanawake tunaweza kuungana na kulima.”


Ninkale ayaa istaagay oo na yidhi, “Raggu waxa ay qodi doonaan ceel.”

Mwanamume mwingine alisimama na kusema, “Wanaume watachimba kisima cha maji.”


Dhammaanteen waxaan ku dhawaaqnay, “Waan ku qasbanahay in aan badelno nolosheena.” Maalintaas laga bilaabo waxaan ka wada shaqeynay inaan xallino dhibaatooyinkeena.

Sote tulisema kwa sauti moja, “Lazima tubadilishe maisha yetu.” Tangu siku hiyo, tulifanya kazi pamoja kutatua shida zetu.


Written by: Ursula Nafula
Illustrated by: Vusi Malindi
Translated by: Abdi Muse
Read by: Ibrahim Ahmed
Language: Somali
Level: Level 2
Source: Decision from African Storybook
Creative Commons License
This work is licensed under a Creative Commons Attribution 4.0 International License.
Options
Back to stories list Download PDF