Téléchargement PDF
Retour à la liste des contes

Maalintii aan ka tagay guriga een magalada aaday Le jour où je quittai la maison pour la ville

Écrit par Lesley Koyi, Ursula Nafula

Illustré par Brian Wambi

Traduit par Abdi Muse

Lu par Ibrahim Ahmed

Langue somali

Niveau Niveau 3

Lire l’histoire en entier

Vitesse de lecture

Lecture automatique du conte


Boosteejada yar ee tuuladeyna waxa ay aheyd mid mashquulsan dadka awgeed iyo bases la rar dhaafiyay. Dhulka xitaa waxaa yaalay wax badan oo in la raro aheyd. Kirishbooyada ayaa ku dhawaaqayay magacyada meelaha ay basaskooda u socdaan.

Le petit arrêt d’autobus dans mon village était occupé par des tas de gens et des autobus surchargés. Sur le sol il y avait encore plus de choses à charger. Les revendeurs de billets criaient les noms des endroits où leurs autobus allaient.


“Magaalada, Magaalada, Waxuu u socdaa Galbeedka!” Ayaan maqalay kirishbooy ku dhawaaqaya. Kaasi ayaa ahaa baskii aan u baahnaa in aan raaco.

J’entendis un revendeur de billets crier: « Ville ! Ville ! Direction ouest ! ». C’était l’autobus que je devais prendre.


Baska magaalada ku dhawaad wuu buuxay, laakiin dad badan ayaa wali isku soo riixaayay in ay in koraan. Qaar baa xamuuulkoodi baska hoostiisa gashaday. Qaar kalena waxay dhigteen mesha kabaha lasaaranayay.

L’autobus de ville était presque plein, mais plus de personnes poussaient encore pour embarquer. Quelques-unes chargèrent leurs valises sous l’autobus. D’autres mirent les leurs sur les étagères à l’intérieur.


Rakaabka cusub ayaa ruxaayay tikidhadooda markay raadinaayeen meel ay ka fariistaan baska dadku ku badan yihiin. Dumarka haysta caruurta yaryar waxay ku raaxaysan hayeen safar ka dheer.

Des nouveaux passagers agrippaient leurs billets tandis qu’ils cherchaient un endroit pour s’asseoir dans l’autobus. Des femmes avec de jeunes enfants les installaient confortablement pour le long voyage.


Waxaan is ku nabay xaga xigto daaqada. Qofka fadhiyay agtayda waxuu si adag u hayay bac cagaaran. Wuxuu soo xidhay kabo duug ah, jaakad dildilaacsan, wuxuuna u muuqday mid aad u xanaaqsan.

Je me suis serré à côté d’une fenêtre. La personne à côté de moi tenait un sac vert en plastique fermement. Il portait de vieilles sandales, un manteau usé, et il semblait nerveux.


Waxaan fiiriyey banaanka baska oo waxaan ogaaday inaan ka tagaayo tuuladayda, meeshii aan ku koray. Waxaan u socday magaalada weyn.

Je regardai à l’extérieur de l’autobus et je réalisai que je quittais mon village, l’endroit où j’avais grandi. Je me rendais à la grande ville.


Raritaankii ayaa la dhameeyey, rakaabkii oo dhanne waa la fadhiisiyay. Wareejiya yaashii wali waxay is ku soo riixahayeen baska si ay oga iibiyaan alaabadooda rakaabka. Qof kasta wuxuu ku qaylinayay magacyada waxa loo diyaariyey iibka. Ereyada ayaa iila muuqday kuwo cajiib ah.

Le chargement était complet et tous les passagers étaient assis. Des colporteurs se frayaient encore un passage dans l’autobus pour vendre leurs marchandises aux passagers. Chacun criait les noms des articles disponibles. Les mots me semblaient drôles.


Rakaab yar ayaa iibsaday cabitaan, qaar kalena waxay iibsadeen cunto fudud oo yar yar waxayna bilaabeen inay calaliyaan. Kuwa aan haysan lacag, sida aniga oo kale, way daawanaayeen.

Quelques passagers achetèrent des breuvages, d’autres achetèrent des petites collations et commencèrent à manger. Ceux qui n’avaient pas d’argent, comme moi, observaient seulement.


Hawlahani waxaa kala gooyay baska hoonkisa, calaamad muujinayso in aan diyaar u nahay inaan baxno. Rakaabiyihii wuxuu ku qayliyay wareejiya yaashii si ay baska uga dagaan.

Ces activités furent interrompues par le klaxonnement de l’autobus, un signe que nous étions prêts à partir. Le revendeur de billets cria aux colporteurs de sortir.


Wareejiya yaashii ayaa isku riixay si ay uga dagaan baska. Qaarkood waxay sii yeen baaqigoda rakaabkii. Kuwa kale waxay sameeyeen daqiiqadkii ugu dambeeyey ee iibinta alaabooyin badan.

Les colporteurs se poussaient pour sortir de l’autobus. Quelques-uns ont redonné de la monnaie au voyageurs. D’autres ont fait des tentatives de dernière minute pour vendre d’autres articles.


Sidaas tuu baska uga dhaqaaqay boosteejada baska, waxaan daaqada ka eegay bananka. Waxaan si la yaableh uga fikiray in aan abid kuso laaban doonto tuulada.

Lorsque l’autobus quitta l’arrêt, j’ai regardé par la fenêtre fixement. Je me demandais si je retournerais à mon village un jour.


Intii safarka sii gudo galnay, gudaha baska ayaa aad u kululaaday. Waxaan is ku xidhay indhaha anigoo rajeynayo in aan seexdo.

Alors que le voyage avançait, l’intérieur de l’autobus est devenu très chaud. J’ai fermé les yeux en espérant dormir.


Laakiin maskaxdayda ayaa dib ugu laabatay guriga. Hooyaday miyay amaan ahan doontaa? Miyuu bakaylahaygu ii gali doona wax lacag ah? Walaalkay miyuu xusuusan doonaa in uu geedahaygi waraabiyo?

Mais je repensais toujours à chez moi. Est-ce que ma mère serait en sécurité ? Est-ce que mes lapins rapporteraient de l’argent ? Est-ce que mon frère se souviendrait d’arroser mes semis d’arbres ?


Markan jidka sii soconay waxaan sii xifdiyay magaca meesha uu adeerkey kaga noolaa magaalada weyn. Waxaan wali si hoose u sii shekeysan hayay markii aan hurday.

En chemin, j’ai mémorisé le nom de l’endroit où mon oncle vivait dans la grande ville. Je le marmonnais encore lorsque je me suis endormi.


Sagaal saacadood kaddib, waxaan ku toosay buuq weyn iyo wicitanka rakaabkii ku noqonaayay tuuladayda. Waxaan soo qaatay bacdaydi yarayd waana ka boodey baskii.

Neuf heures plus tard, je me suis réveillé au bruit de quelqu’un qui appelait les passagers qui retournaient au village. J’ai ramassé mon petit sac et j’ai sauté de l’autobus.


Baski soo noqonayay ayaa si dhakhso ah u buuxsamaayay. Dkahkso waxuu ku laaban doonaa bariga. Hada waxa iigu muhiimsan waxay ahayd inaan bilaabo raadinta guriga adeerkay.

L’autobus de retour se remplissait rapidement. Bientôt il partirait vers l’est. La chose la plus importante pour moi maintenant était de commencer à chercher la maison de mon oncle.


Écrit par: Lesley Koyi, Ursula Nafula
Illustré par: Brian Wambi
Traduit par: Abdi Muse
Lu par: Ibrahim Ahmed
Langue: somali
Niveau: Niveau 3
Source: The day I left home for the city du Livre de contes africains
Licence de Creative Commons
Ce travail est autorisé sous une licence Creative Commons Attribution 4.0 non transposé.
Options
Retour à la liste des contes Téléchargement PDF