تحميل بصيغة PDF
العودة لقائمة القصص

Aargoosigii shimbir-malabka انتقام طائر دليل المناحل

كُتِب بواسطة Zulu folktale

رسمة بواسطة Wiehan de Jager

بترجمة Anwar Mohamed Dirie

قرأه Ibrahim Ahmed

لغة الصومالية

مستوى المستوى 4

سرد للقصة كاملة

سرعة القراءة

تشغيل تلقائي للقصة


Tani waa sheekada Ngede, shimbir-malabka, iyo nin yar oo dhuuni ah laguna magacaabay Gingile. Maalin goor uu Gingile ugaarsi tagay maqlay ci’da Ngede. Gingile afkiisa ayaa bilaabay in uu dhareero niyeysiga malab dartii. Wuu istaagay wuu na dhagaystay si taxadar ah, oo uu raadiyay ilaa uu arkay shimbirkii oo laamaha korka madaxiisa ku jiro. “Jiiq-jiiq-jiiq,” ayuu ku shanqaray shimbiarki yaraa, isaga oo u duulay geedka ku xigo, hadana kan kale. “jiiq-jiiq-jiiq,” ayuu ku ciyay, istaagayana marba mar si uu u hubsado in uu Gingile soo raacay.

هذه قصة دليل المناحل، نجيد، وشاب يدعى جنجيل. في يوم من الأيام، كان جنجيل خارج البيت في رحلة صيد عندما سمع صوت نجيد، دليل المناحل. سال لعاب جنجيل، فقد ذكره صوت الطائر بطعم العسل، فتوقف وبدأ يستمع بانتباه ويبحث عن العصفور حتى لمحه بين أغصان الشجرة، فوق رأسه. خشخش العصفور الصغير “شتيك، شتيك، شتيك.” وهو يقفز من شجرة إلى أخرى متوقفا بين الفينة والفينة حتى يتأكد من أن جنجيل كان يتبعه.


Saacad barkeed ka dib, waxa ay soo gaareen geed berde duur baaxad le. Ngede waxa uu si waalli ah ugu boodbooday laamihii geedka. Dabadeedna waxa uu dul dagay mid ka mid ah laamihii, waxa uu na madaxiisa ku soo leexiyay Gingile sidii in la dhahayo, “Waa kan! Kaalay hada! Maxaa waqtigaas dheeer u qaadaneysaa?” Gingile kama uusan arki karayn wax shinni ah geedka hoostiisa, laakiin waxa uu aaminay Ngede.

بعد نصف ساعة، وصل الإثنان إلى شجرة تين ضخمة. أخذ نجيد يقفز من غصن إلى غصن ويطل برأسه على جنجيل وكأنما ليقول له: “ها أنا ذا، تعال الآن، ما الذي يجعلك بعيدا هكذا؟”. لم يستطع جنجيل أن يرى النحل من مكانه تحت الشجرة، غير أنه وثق بنجيد.


Gingile waxa uu warrankii ugaarsiga dhigtay geedka hoostiisa, waxa uu soo aruursaday xaabo, dab ayuuna shiday. Markii uu dabkii si fiican u shidmay, qori dheer oo qallalan ayuu dabkii galiyay. Qorigani waxuu khaasatan caan ku ahaa in uu sameeyo qiiq badan marka la shido. Waxa uu bilaabay fuullidii, isaga oo ilkaha ku haya dhanka qaboow ee qoriga qiiqaya.

وضع جنجيل رمحه تحت الشجرة وجمع بعض الأغصان اليابسة وأشعل النار. وما إن توهج اللهب، حتى أخذ جنجيل عصا طويلة من خشب يابس ووضعها في النار لتحترق فتخرج دخانا كثيفا لدى احتراقها. ثم بدأ جنجيل يتسلق الشجرة حاملا العصا ذات الدخان الكثيف بين أسنانه ماسكا إياها من طرفها غير المحترق.


Markiiba waxa uu maqli karay “sss-ssss” da dheer ee shinnida mashquulsan. Waxa ay ka galeysay kana soo baxaysay shinniddu meel dulleesha oo geedka jirriddiisa ah - hoygeeda. Markii uu Gingile gaaray hoygii shinnida waxa uu qorigi qiiqayay ku riixay meeshii duleeshay. Shinnidii banaanka ayay u yaacday, sababtoo ah ma jeclayn qiiqa - laakin intaa ka hor waxay Ginglie siiyeen xoogaa qaniinyo kulul!

وسرعان ما سمع جنجيل أزيز النحل العالي وهو يدخل ويخرج من جوف جذع شجرة التين أين توجد الخلية. وعندما بلغ جنجيل خلية النحل، دفع بطرف العصا المدخن داخل جوف الشجرة. فهرع النحل إلى خارج الخلية ساخطاً مزمجراً وطار عالياً تاركاً المكان، لكن ليس قبل أن يكيل بعض اللدغات الموجعة لجنجيل.


Markii ay shinnidii tagtay, Gingile waxa uu gacantiisa ku riixay buulki malabku ku jiray. Waxa uu kala soo baxay gacan buuxdo xabag-barsheed, tiftifqayso malab iyo diirdiir cadcad oo buudhan. Waxa uu si taxaddar leh ugu riday xabag-barsheedkii kiish uu garabka ku sitay, geedkiina waa uu ka soo degay.

عندما ابتعد النحل، مد جنجيل يديه إلى الخلية في جوف الشجرة وبدأ يستخرج حفنات من أقراص الشمع المخضبة بالعسل والدهون واليرقات البيضاء. وضع جنجيل أقراص الشهد بكل عناية في حقيبته ونزل من أعلى الشجرة.


Ngede waxa uu si xiiso leh u daawanayay wax walba oo uu Gingile sameynayey. Waxa uu sugayay in uu uga tago cad xabag-barsheed buurran ah Shimbir-malabka si mahad celin ah. Ngede laanba laan ayuu uga duulay, ugu na sii dhawaanayay dhulka. Ugu dambeyn Gingile geedka salkiisi ayuu gaadhay. Ngede dhagax u dhow wiilka ayuu dul istaagay waxuu na suggay abaalmarintiisii.

كان نجيد يراقب بانتباه ما كان يفعله جنجيل وكان يأمل أن يكافئه بقطعة كبيرة من أقراص الشهد الملآنة بالعسل. فأخذ يرفرف من غصن إلى غصن ويقترب رويداً رويداً من الأرض حتى وصل إلى أسفل الشجرة. حط نجيد على صخرة على مقربة من جنجيل ومكث ينتظر أن يناوله مكافأته.


Laakiin, Gingile dabkii ayuu damiyey, warrankiisii na qaatay oo socodkii gurigiisa billaabay, isaga oo inkiraya shimbirki. Ngede si carro leh ayuu u ciyey, “Fiiq-fifiq-fiifiiq!” Gingile inta istaagay, oo shimbirki yaraa eegay ayuu aad ugu qoslay. “Waxa aad rabtaa xoogaa malab ah, ma rabtaa, saaxiib? Ha! Laakiin hawsha oo dhan aniga ayaa qabtay, aniga ayaana qaatay qaniiyo oo idil. Maxaan kuula qaybsadaa malabkan la jecelyahay?” Dabadeedna wuu iska dhaqaaqay. Ngede aad ayuu u carooday! Ma ay ahayn in sidan loola dhaqmo! Lakiin wuu aargoosan doonaa!

لكن جنجيل أطفا النار والتقط رمحه وعاد أدراجه إلى منزله متناسياً العصفور، دليل المناحل. صاح العصفور غاضباً: “فيكتور، فيكتور …”. توقف جنجيل عن السير وحدق في العصفور الصغير وانفجر ضاحكاً: “هل تريد بعضا من العسل يا صديقي؟ لكن أنا من قام بالعمل كله وتحملت كل تلك اللدغات لوحدي… فلماذا إذن أقتسم هذا العسل الرائع معك؟”. ثم ذهب بعيداً. استشاط نجيد غضبا بعد أن تأكد من أن لا سبيل للتفاهم مع جنجيل وقرر بأن ينتقم لنفسه.


Asbuucyo badan kadib, maalin, markale ayuu Gingile maqlay ci’da malab sheega ee Ngede. Waxa uu xusuustay malabkii macaanaa, si xiiso leh na u dabagalay shimbirkii mar kale. Sidii uu kaynta dhinaceeda ugu horkacayey Gingile, Ngede waxuu dul istaagay geed weyn oo qodxo dallad ah leh si uu ugu nasto. “Ahh,” Gingile ayaa ku fikiray. “Godka shinnida geedkan un buu ku yaal.” dhaqso ba waxuu samaystay dabkii si yaraa waxa uuna bilaabay in uu fuulo, laanti yarayd ee qiiqeysayna ilkaha ku sita. Ngede wuu fariistay oo iska daawaday.

وفي يوم من الأيام، وبعد بضعة أسابيع من ذلك اللقاء، سمع جنجيل صوت نجيد يبشر من جديد بوجود العسل. تذكر جنجيل طعم العسل اللذيذ وبدأ يتبع العصفور من جديد وبكل شغف. وبعد أن قاد العصفور جنجيل على طول حافة الغابة توقف ليستريح تحت شجرة كبيرة مظللة ذات أشواكٍ. فكر جنجيل: “أه… لا بد أن تكون خلية النحل في تلك الشجرة”. أسرع جنجيل بإشعال نار صغيرة وبدأ يتسلق الشجرة وعود الدخان بين أسنانه. في الأثناء كان نجيد قابعا يراقب عن كثب ما كان يحدث.


Gingile wuu fuulay, la yaabbanaa sababta uu u maqli waayay “Sss-sss-sss” di caadiga ahayd. “Malaha godku gudaha geedka ayuu sii jiraa,” ayuu ku fikiray. Laan kale ayuu kor usii fuulay. Laakiin halkii godkii shinnida eegii lahaa, waxa uu indhaha ku dhuftay haramcad! Haramcaddu aad bay uga carootay in hurdadeedii si edeb darro ah looga dhexgalay. Indhaha ayay isku kuduudday, afkeedana way kala qaadday iyada oo ilkaheeda waaweyn ee afka badan dibedda u soo saaraysa.

تسلق جنجيل الشجرة مستغرباً من عدم سماع طنين النحل الذي تعود سماعه. وقال مخاطبا نفسه: “قد تكون الخلية في عمق الشجرة.” ثم واصل تسلق أغصان الشجرة، لكن حدث ما لم يحسب جنجيل حسابه، وعوض أن يجد خلية النحل، وجد نفسه محدقا في وجه نمرة كانت مغتاظة بعد أن وقع قطع نومها بكل تعسف. أغمضت النمرة عينيها وفتحت فمها وكشرت عن أنيابها الضخمة الحادة.


Intii ay haramcaddu weerarin Gingile, si degdeg ayuu hoos uga degay geedki. Degdeggii awgii ayuu laan gafay, waxa uu si shanqar culus leh ugu dhacay dhulka oo wareejiyay canqowgiisi. Sidii ugu dhakhsaha badneyd ee uu karay ayuu u dhutiyay. Nasiib lahaayaa, haramcaddu aad bay weli u sii hurdeysnayd haday cayrsan lahayd. Ngede, Shimbir-malabkii, wuu helay aargoosigi. Gingile na cashar ayuu bartay.

وقبل أن تنقض عليه النمرة، أسرع جنجيل بالنزول من أعلى الشجرة، لكنه أخفق في مسك غصن من أغصان الشجرة وسقط مدوياً على الأرض فالتوى كاحله عند السقوط. واصل جنيجيل طريقه يعرج، بالسرعة التي يخولها له كاحله الملتوي. ولحسن حظه أن النمرة كانت لازالت تحت تأثير النعاس فلم تلحق به. انتقم نجيد، دليل المناحل، لنفسه ولقن جنجيل درسا لن ينساه.


Sidaa darteed, markii Gingile ay carruurtiisa maqlaan sheekada Ngede waxa ay ixtiraam u qaadaan shimbirka yar. Mar walba oo ay malab soo gurtaan, waxa ay xaqiijiyaan in ay qeybta ugu weyn xabad barsheeedka uga tagaan shimbir malabka!

وهكذا، كلما سمع أبناء جنجيل قصة نجيد إلا واحترموا هذا العصفور الصغير. كما كانوا كلما ذهبوا لجمع العسل إلا وأصروا على أن يتركوا له أكبر قطعة من الشهد.


كُتِب بواسطة: Zulu folktale
رسمة بواسطة: Wiehan de Jager
بترجمة: Anwar Mohamed Dirie
قرأه: Ibrahim Ahmed
لغة: الصومالية
مستوى: المستوى 4
المصدر: The Honeyguide's revenge از القصص الأفريقية القصيرة
رخصة المشاع الإبداعي
تحت مجوز المشاع الإبداعي نَسب المُصنَّف 3.0 دولي کریتز کامنز به نشر رسید.
خيارات
العودة لقائمة القصص تحميل بصيغة PDF